13 September, 2012

Xisbiga Kulmiye oo Munaasabad Balaadhan ku soo bandhigay 21-ka Musharax ee uga Qayb gali doona Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Jawigii Soo Dhawaynta Muuse Biixi

Xisbiga Kulmiye oo Munaasabad Balaadhan ku soo bandhigay 21-ka Musharax ee uga Qayb gali doona Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Jawigii Soo Dhawaynta Muuse Biixi
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar.... Daawo Sawiradda

Gabiley (GNS)-Xaflada lagu soo bandhigayey Musharaxiinta Golaha Deegaanka uga qayb gali doona Tartanka Doorashooyinka Xisbiga kulmiye ayaa lagu qabtey barxada weyn ee hotel askar ee magaalada Gabiley. 
IMG_6638 
Munaasabadaasi oo ay ka soo gayb galeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, Maamulka Gobolka Gabiley, Cuqaal, Salaadiin, Hogaanka Sarre ee Xisbiga Kulmiye iyo Marti sharaf kale oo Tiro badan. 
IMG_6710 
Badhasaabka Gobolka Gabiley Mudane Axmed Cali Nuur oo Furitaankii Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa Masuuliyiinta Xisbiga ku soo dhaweeyay Gobolka isaga oo sheegay in Axsaabta siyaasadda iyo ururadda u simanyihiin Gobolka isla markaana si siman ugu soo bandhigan karaan Musharixiintooda. 
IMG_6817 
Axmed Cali Nuur Waxa kale oo uu sheegay in ay Maamul ahaan soo dhawaynayaan ururadda oo dhan si simanna ugala shaqayn doonaan Nabad galyada iyo Xasiloonidda. 
IMG_6818 
Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo ka mid ah Cuqaasha Gobolka Gabiley oo Madashaasi ka hadlay ayaa Sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu ka hadlo Xaflad Xisbiga kulmiye loo sameeyay, isaga oo sheegay in Gudoomiyaha Kulmiye iyo Waftiga uu hogaaminayoba ay ku soo dhawaynayaan Gobolka 
IMG_6829 
Cabdi Ciidle waxa uu sheegay in Gabiley iyo Xukuumadda loo kala sheekeeyay balse aanay wax dhibaato ahi ka jirin gabiley, xukuumaddana taageersanyihiin “muuse biixi cabdi waxaanu leenahay ku soo dhawaada Gobolku waa gobolkiinii dadku waa dadkiinii.waxaa la yidhaa waraabe iyo caruur waa loo kala sheekeeyaa reer gabiley iyo xukuumada waa loo kala sheekeeyey, xukuumada waxaan leeyahay sidii hore wax ka badala. Waxaan mar labaad xukuumada usheegayaa inay jirto shaqaaqo ka dhacadey deegaanada ay dagaan yihiin dad reer s/land ee dalka itoobiya,xukuumadu waa inay si dhakhso ah arintaas uga hawl gashaa waad mahadsan tihiin” 
IMG_6832 
Cabdi ciidle waxa kale oo uu sheegay in dad badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland lagu laayay dalka itoobiya gaar ahaan deegaanadda Xarshin, kuwaasi oo uu sheegay in xukuumadda ka hawl gasho dhiigaasi daadanaya isla markaana kala xaajooto cidda ay khusayso arintaasi. 
IMG_6566 
Waxa isna halkaas ka hadley suldaan ibraahin jaamac samatar oo sheegay in 21-ka musharaxa ee kulmiye soo bandhigay ay yihiin Masuuliyiin Xul ah oo kulmiye wax wayn usoo kordhin doona “21ka musharax ee la soo xuley waa dad aqoon leh, da’yar ah waxay ka kooban yihii dhamaan beelihii s/land oo dhan, waxaan leeyahay soo dhawaada,waxaan ka hadlayaa kalmad shaley laga Hadley oo ku saabsssan gobolka Awdal, waxaan leeyahay. Anigoo uhadlaya gobolada gabiley,awdal iyo salal. Gobolka Awdal waa gobolkii lagu dhisay s/land dhiigooda ayuu ku jiraa somalilandnimadu aayar inuu qof yidhaahdo way ka baxayaan haddii sidaa la yeeli waayo nasiib daro ayey tahay” ayuu yidhi suldaanku 
IMG_6789 
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ee Gobolka Gabiley Amiin Muuse Xirsi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yeedhiyay Magacyada Musharixiinta ay soo bandhigeen isaga oo gudoomiyaha Gobolka ka codsaday in uu Ansixiyo Masuuliyiinta ay soo xuleen oo uu sheegay in ay yihiin Haldoorkii Gobolka Gabiley 
IMG_6828 
Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in Dadka Reer Gabiley yihiin Kulmiye isla markaana aanay jirin warar borobogaando ah oo uu sheegay in Warbaahintu ka qortay Gobolka, isaga oo xusay in Xisbiga kulmiye ogyahay Xaqiiqada ka jirta Gobolka, Musharixiinta la soo bandhigayna yihiin Haldoorkii iyo Aqoonyahankii Gabiley 
IMG_6838 
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo isaguna Madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Farxad wayn utahay ka qayb galka Munaasabad lagu soo bandhigayo Musharixiinta Kulmiye uga tartamaya Gobolka Gabiley. 
IMG_6834 
Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kasoo qayb galo xaflada balaadhan ee loo qabtey 21-ka mushrax ee xisbiga kulmiye ee gabiley, markaa waxaan doonayaa inaan utahniyadeeyo oo bogaadin iyo hambalyo udiro waayo waxaa ka muuqda in xisbigu soo sharaxay 21 musharax oo rag iyo dumarba leh oo qiimo iyo culeys weyn oo siyaasadeed ku leh gobolka iyo dalkaba,waxaan filayaa inay ku guulaysan doonaan doorashada soo socota. waxaan doonayaa inaan u mahadnaqo dadweynaha reer gabiley gudo iyo dibadaba, waxaan doonaya inaan ka hadlo arintaa si gaar ah looga Hadley oo ku saabsanayd colaad dhawaan ka bilaabantay meelo ka mid ah deegaanada itoobiya, gaar ahaan halka ay degan yihiin, dad reer somaliland waxaanu arintaa u aragnaa in lagu soo dabaalo labada dawladood ee saaxiibka ah, waayo waa laba dal oo saaxiib ah oo xidhiidh wanaagsan leh, waxay si wanaagsan uga wada shaqaynayaan in arintaasi nabad galyo iyo amni loogu soo dhameeyo, dadka walaalaha ah ee arintaasi dhex martey sidii loo heshiisiiin lahaa, waxaan jecelahay inay dadku taageero ka bixiyaan sidii arinkaasi loo soo dhamayn lahaa. gobolka gabiley wuxuu ka mid ahaa meelaha ugu taageerada badan xisbiga kulmiye taasina waxay saamaxaysaa in kulmiye mar danbe xukunka qabto” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu 
IMG_6538 
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay uga mahad celiyay dadwaynihii soo dhaweeyay Taageeradda ay u Muujiyeen isaga oo sheegay in uu Aqbalay 21-ka musharax ee Gobolka laga soo xulay, kuwaasi oo uu Bulshadda ka codsaday in ay Codkooda u hibeeyaan 
IMG_6535 
Mujaahid muuse Biixi waxaa hadaladiisii ka mid ahaa“Dadweynaha reer gabiley waad mahadsan tihiin sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen ee aad xisbiga kulmiye u taageersantihiin, waxaan leeyahay sida aad maanta ugu soo baxdeen inaad maalinta codkana ugu soo baxdaan ayaa la idiinka baahan yahay, Oo musharaxiintiina aad usoo saari lahaydeen, 21-kaas musharax ee la idiin soo bandhigey waad arkeysaan miisaanka ay leeyihiin walaalayaal cadceed baad taagan tihiin waayo ololihii ayaa inoo dhiman markaas ayeynu wax walba is odhan doonaa” 
IMG_6795 
Mujaahid Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay Colaada ka jirta Deegaanka itoobiya ee ay ku dhaqanyihiin dad reer Somaliland ah oo dhawaan Dagaalo ka dhaceen, waxaanu sheegay in ay Arintaasi si waayeelnimo ugala xaajoon doonaan Masuuliyiinta ay khusayso. 
Munaasabadaasi oo ahayd mid aad u balaadhan oo ay isku Arkeen Masuuliyiin aad u tiro badan ayaa waxaa iyaguna hadallo iyo Waano-ba ka soo jeediyay Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Caaqil Cabdi Cumar Warsame, Caaqil C/laahi Qalinle Fariid, Caaqil Caantaynle, Caaqil Yuusuf Aw Rabaax (Yuusuf Cadde), Dr.Maxamed Aw Daahir, Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil , Waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen Musharixiinta Xisbiga kulmiye ku soo bandhigay Gabiley . 
IMG_6794 
Sidoo kale Munaasabadan ayaa Waxaa si wayn looga Sameeyay Dhoolatus balaadhan oo lagu Muujinayay Sawiradda Musharixiinta Xisbiga oo ay usoo baxeen Taageerayaal aad utiro badan, waxaana Madasha Si wayn uga Dhex Muuqday Sawiradda Musharixiinta kala ah, Macalin:Axmed Maxamuud Shirwac, Axmed Maxamed Cali (Sangub), Shucayb Maxamed Muuse, C/qaadir maxamed Faarax, Marwo Cibaado Maax, Cabdi Abiib, Daa,uud Foodcade, Cabdi Xabeeb, Maxamed faarax Miigan, Xalaal X.Cabdi Camir, Eng. Mukhtaar Xirsi, Cali Maxamed Sh. Saleebaan, Sh.Mahdi Muxumed Guuleed, Khadar Xayle iyo Musharixiin kale. 
IMG_6540IMG_6793IMG_6545IMG_6791IMG_6546 
IMG_6548IMG_6551 
IMG_6788 

Mustafe Future iyo C/raxmaan Xaaji 
Gabiley News Reporters 
Conactgabiley@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: