09 September, 2012

Xildhibaan Faarax Dheere Oo Fashiliyey Sababta Ay Ururada Cusubi Uga Baqayaan In Xukuumada Siilaanyo Ay Mucaaridaan

Xildhibaan Faarax Dheere Oo Fashiliyey Sababta Ay Ururada Cusubi Uga Baqayaan In Xukuumada Siilaanyo Ay Mucaaridaan, Kana Hadlay Xubnahooda Baarlamaanka Ee Kuraastoodii Faaruqiyay

Hargeysa, September 9, 2012 (Haatuf) - Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdulle (Faarax dheere) oo ka mid ah golaha wakiilada, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee urur siyaasadeedka Wadani ayaa sheegay in golhoodii wakiiladu badankiisu noqday gole muxaafid ah oo aanu ka dhex jirin garab mucaarid ah, taas darteedna ay sababtay in aqalabiyada xildhibaanada golahoodu ay ka soo xaadiri waayaan fadhiyada golahaasi, waxaanu intaa ku daray in ururada cusub ee siyaasada ee ka qaybgali doona doorashada golayaasha deegaanku ay kaga gabanayaan mucaaridnimada xukuumada Cabsi kaga jirta in doorashada deegaanada lagu reebo, isla markaana usoo gudbi waayaan xisbi qaran.

Md Faarax dheere waxa kale oo uu sheegay in muddadii xukuumadii hore ee Udub ay dalka xukumi jirtay golahoodu u kala qaybsanaa laba garab oomucaarid iyo muxaafid ah oo ka soo kala jeeda Udub iyo Kulmiye, xubnahooda xisbiga Ucidna ay kala raaci jireen, hase yeeshee uu tilmaamay in golahaasi bilaa mucaarid noqday markii xisbiga Udub uu meesha ka baxay, xubnihiisiina ay ka digo rogteen.

Xildhibaanku waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu shalay xogwaraysi kala yeelanay asbaabta keentay in fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo ay xildhibaaada badankooda kuraasidoodii faaruqiyeen 82ka xubnood  ee golahasi ka kooban yahay, kana soo xaadireen mudanayaal tiradoodu gaadhayso 19, oo markii dambe ay ku soo hadheen 9 xildhibaan, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Golahayaga wakiiladu waxa uu barigii hore u kala qaybsanaa muxaafid iyo mucaarid  oo waxa isku hayn jiray Udub oo muxaafid ah iyo Kulmiye oo mucaarid ah, xubnahayaga kale ee Ucid laga soo doortayna waanu kala raaci jirnay, balse hada golayagii muxaafid buu wada noqday markii Udub laga waayay, ta kale xildhibaanadu waxay yimaadaan fadhiyada golaha maalinta xeerar la ansixinayo, ta kale ururadii cusbaa ee lagu dhawaaqayna waxay kaga baqayaan mucaaridnimada in doorashada golayaasha deegaanka lagu reebo, sidaa darteed baa keentay in golahayagii  wakiiladu noqdo gole muxaafid ah"


Md Faarax dheere oo ka hadlaya sida uu u arko eedaha shirgudoonka looga jeediyo in xukuumada ay u dhego nugul yihiin, waxa uu yidhi "Shirgudoonkayagu muddo dheer bay mucaarid soo ahaayeen hada way nasanayaan, aadna way ula shaqeeyaan xukuumada"

No comments: