Haddaan yara iftiimino arrimahan, 23-kii bishii July ee sanadkan waxa magaalo Madaxda Jamhuuriyadda.....
WARGEYSKA HUBAAL-HARGEYSA
Hargeysa (GNS) -Waxa mar kaliya sida likaha dhulka ka soo foodhacaya silsilado taxan min caasimadda Hargeysa ilaa Muqdisho ama haddaan si kale u dhigo shabakado isku xidhan oo ah mid ka mida Ururrada Diineedka Islaamka ee ka jira Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoo ay isku ku baahaystay sidii ay u qabsan lahaayeen hoggaanka talada dalka Soomaaliya.
Ururrada Islaamiyiinta ah waxa ka mida kuwa ku bahoobay Urur Diineedka “Al-Islaax”, waxana xubno ka ha Ganacsato waaweyn, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ku kala nool Somaliland iyo Soomaaliya, kuna baahsan Gobollada labadan dal, waxayna doorteen dariiq ka wanaagsan kan jihaadka ay u yaqaanaan kooxaha ay hormood u yihiin Al-qaacida, Daalibaan iyo Al-shabaab, dariiqaas oo ah, inay xukunka ku gaadhaan laba qodob oo ka kowaad yahay in hoosta wax laga soo dhiso, iyadoo dhinaca Diinta Islaamka loo soo marayo iyo in siyaasadda si toos ah iyo si dadban hadba kii ku habboon looga qeyb qaato, markuu ururka Al-Islaax ka dhismo xagga dhaqaalaha oo la’aantii aan la hungereyn karin qabashada talada dalka.
Haddaan yara iftiimino arrimahan, 23-kii bishii July ee sanadkan waxa magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ku qabsoomay shir ay isugu yimaadeen Xubnaha Urur diimeedka Al-Islaax, xubnahaas shirka ka qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Culimo caan ka ah Somaliland waxa lagu gorfeeyey sidii uu door laxaad leh ururku ugu yeelan lahaa Musharraxiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha Soomaaliya, una soo saari lahaayeen Musharraxooda u qarsoonaa, waxana shirkaas loogu ololeenayey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, ay kasoo saareen xubnihii ka qeyb-galay inay xubno hoggaamineed oo cusub Ururka Al-Islaax u magacaabeen, qaar kalana ka saareen xubnimadii ururkaa oo aanay sheegin xaruntiisa.
Dadweynaha reer Somaliland waxa ay aad ula yaabeen sida ay xubnaha ku shiray Hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa suurtagal ugu noqotay, uguna dhiiradeen inay caasimaddii ku qabtaan shir lid ku ah qadiyadda Somaliland, taasoo warbaahintuna soo bandhigtay. Haseyeeshee, xukuumadda Somaliland wax tallaabo kamay qaadin, waxana loo qaatay inay xubno ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Golaha Xukuumadda ee Somaliland raali ka ahaayeen, kadib markuu laba maalmod dabadeed uu si jilicsan uga sheegay warbaahinta Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland inaan la oggoleyn shirar ka dhaca dalka oo loogu ololeenayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Marka dib loogu noqdo shirkaa aan soo xusnay ee ku qabsoomay Hoteelka Ambassador Ramadaantii oo ahaa mid ka yaabiyey shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana ujeeddadiisa, maadaama xubnaha ku kulmay Hoteelkaasi ee reer Somaliland u badnaa aanu midkoodna ka mid ahayn kuwa u codeyn doona Madaxweynaha Xamar laga dooran doono, ayaa waxa silsiladdan soo if bixiyey markii Tartankii Doorashada ee ka dhacay Muqdisho uu kusoo baxay shakhsi mar qudha sidii likaha mudh ka soo dhex yidhi 22-kii Murrashax ee u tartamayey jagada Madaxweynaha ee Soomaaliya, kaasoo ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oon hore uga muuqan saaxadda siyaasadda.
Haddaba, inta aynaan u gelin falaqeynta Madaxweynaha cusub iyo xidhiidhka ka dhaxeeya urur Diineedka Al-Islaax, waxa ay wararka qaar xaqiijinayaan in kulankii Hoteelka Ambassador ee Hargeysa oo xubnihii ka qeybgalay intooda badani Hantiilayaal ahaayeen lagu ururinayey lacag qaadhaan ah, si loogu taageero dhaqaale uu ku kasoo baxo Musharraxooda oo markaa qarsoonaa.
Doorka dhaqaale bixinta oo sida wararkaasi tibaaxayaan waxa hormood ka ahaa Ganacsadaha reer Soomaaliya ee la yidhaa Ina Jimcaale ee leh Shirkadaha HORMOOD iyo Golis ee Soomaaliya, sidoo kalena TELESOM-ta Somaliland ku leh saamiga ugu weyn. Sidoo kale qaadhaanka lacagta ugu badan ku daray xubno kale oo reer Somaliland oo ka mid ah Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta qaarkood, kuwa Diyaaradaha iyo xubno kaloo Ganacsato iyo siyaasiyiinba leh, iyadoo sida la sheegay qaadhaankaa lagu ururiyey dhawr Milyan oo Dollar ah.
Qodobka kale ee isna xusida mudan ee arrintan sii xoojinayaa, waa hambalyadii degdegga badneyd ee laba saacadood kadib doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya uu isla habeenimadii toos u tagay Wasiirka Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland xarunta Horn Cable TV, si uu hambalyo hawada ugu mariyo Madaxweynaha Soomaaliya ee la doortay, inkastoo sida muuqatay ay isaga ku koobneyd hambalyadaasi, maadaama Madaxweyne Siilaanyo tii gaarka u ahayd uu diray maalinimadii ku xigtay isagoo ku hadlaya magaca shacbiga Somaliland iyo kiisaba.
Haddaba, su’aasha meesha ku jirtaa ee la is-weydiin karaa, waxa ay tahay, ma la odhan karaa shirkii Ambassador ee Hargeysa ee xubnaha Al-Islaax ugu ololeynayeen Musharrax ka mid ahaa tartamayaashii qarsoonaa uu ahaa Madaxweynaha hadda loo doortay jagada Madaxweynenimo ee Xasan Sheekh Maxamuud? Su’aasha labaad ee iyana haatan durba hadal haynteedu soo gashay warbaahinta, waxa ay tahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ma ka mid yahay urur Diineedka Al-Islaax ee muddooyinka dembe sida cad ugu soo banbaxay saaxadda siyaasadda ee Soomaaliya iyo Somaliland?
Marka la eego, dibna loo axadho shirkii Ururka Al-Islaax ee Ambassador oo uu mid ka mid ah ka qeybgalayaashii shirkaasi ahaa Nuur Faarax, oo ahaa Guddoomiyihii Urur-siyaasadeedkii BADBAADO ee hadhay balse ku biiray Ururka WADDANI iyo sidii ay dadaalka uga galeen xubnahani dhinaca qaadhaan ururinta iyo sida lama filaanka ah ee uu uga soo dhex baxay tartamayaashii muddada badan qaarkood ku jiray saaxadda siyaasadda, jawaabtuna waa “HAA” Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ahaa, waayo saaxaddii doorashada shakhsi Hantidii Qaranka Soomaaliya boobay oo adduun qeybin kara iyo mid sida Xasan Sheekh Maxamuud ku tirsan oo dabada ku haya awood kale sida Urur Diineedka Al-Islaax mooyee qof kale mana hungureeyeen, ismana soo sharraxeen madashii ay kusoo rakibnaayeen 262ka dhuumood ee “Iskoola Bolisiya” oo mid walba ka sugaysay rasaastii hawlgalka codeynta.
Su’aasha labaadna waxa u badan tahay sida iminkaba warbaahinta qaarkood hadal hayaan, waa mid loo tirin karo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu xubin sare ka yahay Ururka Al-Islaax, iyadoo geesta kalena ay waxgaradka reer Somaliland qaar ka mid ahi ka cabsi qabaan, in Somaliland ay ururrada tartamaya kasoo dhex foodhacaan xisbi ama xisbiyo xidhiidh la leh Al-Islaax, sida WADDANI oo uu ku biiray Ururkii BADBAADO oo sidii la ogaa Urur Aad iyo aad ay u taageeraan kooxaha islaamiyiinta ah ee ku kala sugan gobollada dalku balse guul-darreystay oo uu Guddoomiyahoodii Sheekh Maxamed Cali Geedi uu xubin ka ahaa shirkii Ambassador ee Al-Islaax ee loogu ololeynayey Madaxweynaha Soomaaliya, waase sugi doonaa waqtigeeda.
Gabiley News Desk
Hargeysa
Xigasho: Wargeyska Madaxa Banaan ee HUBAAL
No comments:
Post a Comment