Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Hor Yimid Kharashka Xeerka Doorashadu Ku Xidhay Musharixiinta Doorashada Deegaanada, Xukuumaddana Canaan Iyo Digniin Isku Raaciyey.Gabiley (Ramaas) Sept 18, 2012 – Guddoomiyaha urur siyaasadeedka XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac ayaa ka hor yimid qodob ka mid ah xeerka doorashada Golayaasha deegaanka dalka, kaasi oo dhigaya in Musharax kasta oo u tartamaya doorashada deegaanku bixiyo Hal Milyan oo shilinka Somaliland ah oo deemaaji ah.
Guddoomiye Xasan Ciise Jaamac, waxa kale oo uu ka hadlay inay jiraan deegaano Musharixiinta lagu dhibayo mararka ay qaadanayaan waraaqaha dambi la’aanta qaadanayaan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay dadka dadka dhibaya tallaabo ka qaado.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo maanta ka hadlayay Magaaladda Gabiley, waxa uu sheegay in Musharixiinta ay culays ku tahay lacagta deemaajiga ah ee lagu xidhay, isaga oo xukuumadda ku canaantay inay daawanaysay intii baarlamaanku ansixinayey xeerka dhigaya deemaajigan “Sharcigu waxa uu dhigayaa in xildhibaan kastaa uu shubo hal Milyan oo shilinka Somaliland ah oo deemaaji ah, baarlamaanka Somaliland ayaana ansixiyey xeerkaasi, dawladuna markii baarlamaanku ansixinayey way ku daawanaysay, waxaanu soo jeedinaynaa in arintaasi dawladu wax ka bedasho oo dadka loo sahlo”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Tuulooyin badan oo bari iyo galbeedba ah oo aanay shaqaba ka jirin, ayaa lagu xidhayaa shuruudaasi oo kale, meelaha qaarna waxa laga soo sheegayaa in marka xeer ilaalinta laga soo qoranayo warqada dambi la’aanta meelaha qaar dadka lagu dhibayo”.
Guddoomiye Xasan Ciise Jaamac, waxa uu xukuumadda u soo jeediyay inay tallaabo ka qaado dadka dhibaya xildhibaanada “Waxaanu soo jeedinaynaa in xukuumadda tallaabo deg-deg ah ka qaado arinkaasi, haddii kale oo ay taasi sii socoto waxa dhici doona kacdoon dadwayne, waxaana jira in ururada qaar la isleeyahay wakhtigu haka dhaco, Lughaya oo kale waxaanu rajaynaynaa in xukuumadda tallaabo degdeg ah ka qaado dadka waxaa ku lugta leh”
Cabdiqaadir Aaden Carab
Email: Horseed001@gmail.com
Hargeisa.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment