19 September, 2012

Madaxwayne Siilaanyo Oo Labo Ka Mid Ah Dadkii U Xidhnaa Lunsiga Raashinkii Mucaawinada Ahaa Oo La Siidaayey.




Madaxwayne Siilaanyo Oo Labo Ka Mid Ah Dadkii U Xidhnaa Lunsiga Raashinkii Mucaawinada Ahaa Oo La Siidaayey.

Hargeysa (Ramaas) Sept 19, 2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis ku siidaayey labada ka mid ah dadkii Maxkamada Gobolka Hargeysa ku riday xukunka ee loo haystay lunsiga raashinkii danyarta Somaliland ay ugu deeqday dawlada Cumaan.

Labadan qof ee la siidaayay oo muddo dhowr bilood ah Jeelka dhexe ee Hargeysa kula xidhnaa badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) iyo agaasimihii Wasaarada dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi Barre oo ay isku kiis ahaayeen, ayaa la siidaayey ka dib markii ay soo waajahday xaalad caafimaad daro oo gaadhay heer aanay ku sii jiri Karin jeelka, waxaana la sheegay in ehelada iyo Madax-dhaqameedkoodu Madaxwaynaha ka codsadeen in loo siidaayo si ay xaaladooda caafimaad ula tacaalaan, isla-markaana Madaxwaynuhu ka aqbalay kuna siidaayey cafis.

Labadan qof ee xoriyadooda loo soo celiyay ayaa kala ah Axmed Maxamed Geelle (Timo Cadde), oo ahaa ninkii lahaa ururkii dekeda Berbera ka soo daabulay raashinkii mucaawinada ahaa ee lunsigeeda loo xidhay Axmed Xamarji, Agaasimihii Wasaarada dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac, kuwaasi oo maxkamada gobolada Hargeysa midkiiba ku riday dhowr sanadood oo xadhiga ah.

Waxa kale oo Madaxwaynuhu Cafis ku siidaayey ninkii lahaa bakhaarkii lagu rogay raashinkan lunsigiisa loo xidhay oo ku yaala suuqa xaafada Idaacada ee Magaaladda Hargeysa, kaasi oo lagu magacaabo Cabdishakuur





Ramaasnews Desk

Hargeisa.






http://samotalis.blogspot.com/

No comments: