01 September, 2012

WASIIRKA XANAANADA XOOLUHU MUXUU KA YIDHI XOOLAHA SANADKAN U DHOOFAYA XAJKA

WASIIRKA XANAANADA XOOLUHU MUXUU KA YIDHI XOOLAHA SANADKAN U DHOOFAYA XAJKA




Hargaysa(CNN)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa maanta Ka Hadlay sida ay Wasaaradiisu ugu diyaar-

garoobayso dhoofka Xoolaha Somaliland ee moosinka xajka ee Sanadkan Wasiirka oo ka hadlayey xadiga xoolaha la dhoofin doono ayaa sheegay in ilaa hadda ay dhoofeen Hal Milyan iyo badh, ugu dambayntana ay wasaaraddu rajaynayso in ilaa sadex Milyan iyo badh oo Neef ay Somaliland ka dhoofaan sanadkan marka la gaadho Moosinka Xajka ee soo socda.

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu ku dhawaaqay in Xoolaha Somaliland uu caafimaadkoodu sareeyo isla markaana dhamaan xoolaha la gaadhsiiyey talaalkii lagama maarmaanka u ahaa, halka sidoo kalena uu rajo wacan ka muujiyey Qiimaha xoolaha nool ee Somaliland oo maalinba ta xigta sii labanlaabmaya Wasiir Ayaa Sheegay In Intii Uu Joogay Wasaarada Ay Wasaaradu Fulisay Talaalo Aad U Badan La Odhan Karona Xoolaha Somaliland Waa Talaalan Yihiin Wasiirka Ayaa Sheegay Sanadkan Xoolaha Dhoogayaa Waxaan Rajaynaa In Ay Inbadan ka Badayaan Kii Sanadkii Hore

,

Hargaysa Somaliland
Caynaba News Office



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: