11 September, 2012

Wasiirka Warfaafinta Oo Wargeyska Dawan Dib Ugu Magacaabay Guddoomiyihii Boobe Hore Xilka Uga Qaaday

Wasiirka Warfaafinta Oo Wargeyska Dawan Dib Ugu Magacaabay Guddoomiyihii Boobe Hore Xilka Uga Qaaday
sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray wasiirku......

Hargeysa (GNS) - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad) ayaa dib u magacaabay Guddoomiyihii Wargeyska Dawlada ee Dawan ee uu Xilka ka qaday Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdi Yusuuf Ducaale (Boobe) iyo masuuliyiin kale. 

sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray wasiirku. Wareegtadaasi uu soo saaray wasiirku wuxuu magacaabay waxay u dhignayd sidan:- 

“U jeedo: magacaabid 
Aniga oo tix gelinaya ahmiyada wargeyska Dawan u leeyahay wasaaradda war faafinta iyo wacyigelinta, iyada oo u baahan in la helo shaqaale tayo sare leh si ay u gudato waajibaadka qaranka ay masuulka uga tahay. 

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2012, waxaan u magacaabay Sayid Cismaan Mirre in uu noqdo guddoomiyaha wargeyska Dawan Media Group. 

Sidoo kale laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2012 waxaan u magacaabay Cumar Maxamed Faarax in uu noqdo Tifaftiraha Guud ee Wargayska Dawan, maamul ahaana ku xiga guddoomiyaha wargeyska Dawan Media Group. ALLAA MAHAD LEH.” 

Gabiley News Desk 
Hargeysa 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: