20 September, 2012

Wasiir Duur oo Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inuu go’aan ka gaadho Deegaamadda lagu muran san yahay ee Xeebta Galbeed si ay Doorashadu uga dhacdo


Wasiir Duur oo Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inuu go’aan ka gaadho Deegaamadda lagu muran san yahay ee Xeebta Galbeed si ay Doorashadu uga dhacdo

“Mudane Madaxweyne, halka la raacin doono codka goobahan waxaan soo jeedinayaa in guddi kooban loo saaro oo ay ku jiraan Komishanka Qaranku.”
“Anigoo ogsoon in Doorasho ka dhici wayda goobo Dalka ka mid ah inay tahay wax ka maqan Qaranka guud ahaan iyo nusqaan Dawladnimo, waxaan codsanyaa in Guddi…”Wasiir Duur
Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) u qoray maalmo yar kadib markii uu safar ku soo maray Deegaanada Lagu muran san yahay ee aanay Doorashooyinku ka dhicin ee Galbeedka Awdal iyo Waqooyiga Gobolka Maroodi jeex kaga codsaday in Doorashada Golayaasha Deegaanka laga qabto sanadkan, isla markaana go’aan deg deg ah laga soo saaro Goobahaasi Degmooyinka ay ku tirsamayaan Codadkoodu.
Wasiir Duur qoraalka uu Mdaxweynaha u diray waxa uu ku sheegay goobahaasi inay Nabdoon yihiin isla markaana ay diyaar u yihiin inay Doorasho ka dhacdo isagoo xusay inay dadka Deegaamadaasi balan qaadeen Nabadgelyda inay sugayaan.
Duur waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ugu sheegay qoraalkiisa haddii ay Doorasho ka dhici weydo deegaamadaasi uu soo kormeeray oo uu sheegay inaanay jirin sabab looga qaban waayo Doorasho inay Qaranimada Nusqaan ku noqon doonto.
Qoraalka Wasiir Duur Madaxweynaha u diray oo Waaheen heshay Nuqul ka mid ah waxa uu u dhignaa sidan :-
Aniga oo tixraacaya mudadii aad u qabatay in ay ku qabsoonto Doorashada Golayaasha Deegaanka ee 28/11/2012.
Aniga oo ka duulaya qodobka 22aad ee Dastuurka Qaranka faqradiisa 1aad, 2aad ee cadaynayaa xuquuqda Siyaasadeed iyo xaqa Doorasho ee Muwaadinka.
Anigoo ogsoon in Doorasho ka dhici waydaa goobo Dalka ka mid ah ay tahay wax ka maqan Qaranka guud ahaan iyo nusqaan Dawladnimo, waxaa safar hawleed ku soo maray afar goobood oo ka mid ah dhulka ka xayirnaa Doorashada, waxaana ii muuqday :
  1. In aanay jirin xaalada Nabadgalyo daro ah oo loo baajiyo ama looga xayiro qabsoomida Doorasho.
  2. In dadka deegaankaasi diyaar u yihiin in ay helaan xaqooda doorasho Amnigana ka shaqeeyaan.
  3. Waxaa ii muuqatay in safarkayga ay suurto gal tahay in Doorasho ka qabsoonto Deegaankaas.
Sidaas darteed Mudane Madaxweyne, wixii xal ah ee ku saabsan Degmada ay ka tirsan yihiin iyo halka la raacin doono codka goobahan waxaan soo jeedinayaa in guddi kooban loo saaro oo ay ku jiraan Komishanka Qaranku.
Qoraalka iyo kormeerka Wasiirka ayaa ka dhashay Muran Siyaasadeed iyo mid Bulsho oo ka taagan deegaamadda Xeebta Galbeed, taasoo aan ilaa hada wax go’aan ah aanay ka soo saarin Xukuumaddihii kala danbeeyay, iyadoo sanad kasta la xasuusto marka ay Doorashooyin soo dhawaadaan.
Inkasta oo ay talaabo fiican tahay Warbixinta uu Wasiir Duur ka siiyay Madaxweynaha Deegaankaasi, hadana waxa loo baahan yahay sida uu xusay Wasiirku, Madaxweyne Siilaanyo inuu u saaro Guddi miisaan culus leh oo si hufan uga baaraan degta khilaafka Deegaankaasi ka taagan oo u muuqda mid xuduudeed iyo Deegaan oo ay isku haystaan Beelaha wada dega deegaankaasi. Isla markaana ay Xukuumaddu fuliso mashaariicda Horumarineed ee ay dadka deegaankaasi u baahan yihiin cid kastaa ha u keentee.

Short URL: http://waaheen.com/?p=47542


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: