Beesha Isaaq ee Kililka shanaad waa dad Itoobiyaan ah ee maaha Somaliland
Hargeysa (Waaheen) – Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr Tayetasfaaye, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii ciidamada Liyuu booliska Kililka shanaad ee Somalida Itoobiya ku qaadeen shacabka deegaanka Cilmi Xirsi oo hoos tagga degmada Xarshin, waxaanu arintaasi ku tilmaamay taariikh xumo.
Safiirku waxa kale oo uu ka hadlay sidii xukuumadda iyo shacabka Somaliland uga qayb-qaateen aaskii raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenewi iyo sida ay uga xumaadeen, waxaanu sheegay inay aad ugu farxeen sidii ay uga qayb-qaateen, taasina Muujisay sida Somaliland ay u garab istaagi karaan wakhtiyada adag saaxiibkooda Itoobiya, isaga oo balan-qaaday inay xoojin doonaan xidhiidhka diblumaasiyadeed, ganacsiga iyo isku socodka labada shacab ee Somaliland Iyo Itoobiya.
Safiirka Itoobiya ee Somaliland Mr Tayetasfaaye waxa uu ka hadlay weerarkii Liyuu boolisku ku qaadeen shacabka deegaanka Harshin, waxaanu sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacday deegaanka Xarshin ee Kililka shanaad ee Itoobiya, waxaanu sheegay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee khalad noocaas ahi uu ka dhaco Somalida wada degta Kililka shanaad, dhowr jeerna ay soo noqnoqdeen dhibaatooyinka noocan ah, waxaanu ku tilmaamay taasi inay tahay taariikh xumo, waxaanu ku taliyey in aanay dib u soo noqon falalkaasi, dadka deegaankuna ka shaqeeyaan nabadgalyada, iskana dhowraan wixii dhibaato horseedaya.
Waxa kale oo uu safiirku ku taliyey in marka dhibaato ka dhex dhacdo dadka deegaanka Kililka aan la buunbuunin oo aan colaad la isugu gurmanin, isaga oo sheegay in dadka Isaaqa ah ee Kililka deggaa ay yihiin dad reer Itoobiya ah oo aanay ahayn Isaaq reer Somaliland ah, xaq iyo xuquuqna u leeyihiin inay Madaxwayne ka noqdaan Kililka shanaad, doorna ku yeeshaan hawlaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, isaga oo Safiirku Madawaynaha Kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar ugu baaqay inuu sameeyo siyaasad midaysa dadka deegaankaasi wada degga, si buu yidhi nabadgalyo taam ahi uga hano-qaado halkaasi.
Ugu dambayn, safiirka oo shalay u waramay Wariye Muha Daahir Faarax Jire, waxa uu amaanay saxaafada Somaliland oo uu sheegay inay noqotay warbaahin saaxiib iyo gaashaan u noqotay Itoobiya, isku xidhka labada dalna ay qayb laxaadle ka qaadatay.
Dhinaca kalena waxa shalay magaaladda Jigjiga ee Kililka shanaad gaadhay Salaadiin uu hogaaminayo suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi, waxaana lagu wadaa inuu dhex maro wadahadal la xidhiidha dhacdadii Xarshin ee dhibaataddu ku dhex martay Liyuu Booliiska iyo dadka Deegaanka.
No comments:
Post a Comment