12 September, 2012

WADANKASTA OO ADUUNKA KA JIRA WAXAA UDEGSAN NADAAM GANACSI

WADANKASTA OO ADUUNKA KA JIRA WAXAA UDEGSAN NADAAM GANACSI




Wadankasta oo aduunka ka jira waxaa udegsan nadaam ganacsi iyo xeerar jidaynaya habka ganacsiga private ka ama gaar ka looleeyahay Somaliland oo wali aduunka

aan ka helin ictiraaf calamiya waxay leedahay nadaam ganacsi inkasta oo ay ka muuqato geldalooloyin badan hadana waxaa jidaynaya Tasduurka Somaliland kaasoo damanad qaadaya ganacsiga xortaa iyo abuuritaanka illo dhaqaale oo ay muwaadiniintu yeeshaan sidaynu ognahay 21 sano ee ay Somaliland jirtay waxaa si aada u koray ganacsiga gaar ka looleeyahay kaasoo soo jiitay maalgashiga caalamka waxaana lagu tilmaama in ganacsiga gaarka looleyahay ee Somaliland ka horumar sana yahay wadamo badan oo Africa ka mida waxaana ka mida meelaha horumarka muuqda sameeyey shirkadaha isgaadhsiinta oo waxbadan lajaanqaaday Technology calamka taas oo door mihiima ka qadatay horumarka wadanka taa macnaheedu maaha in la odhan karo wax kasta oo shirkaduhu soo kordhiyeen waa horumar balse waxaa jira khataro badan oo halis ku ah nolasha iyo caafimaadka bulshada hadii aan si degdega wax looga bedalin waxana ka midah Base Transceiver Station (BTS) ama biraha Towarada dhaadheer ee telefonada kuwasoo aadku arki karto meelaha bulshadu ku badan tahay siday ugu teed san yihiin gaar ahaan xaafadaha iyo goobaha waxbarashada sida Madarasadaha,Schoolada,Jamacadaha,Cusbitaalada sida la ogyahay Tawarada isgaadhsiintu waxay leeyihiin awoodbadan oo ay wax ku gudbiyaan waxanay sii daayaan radiation ama shoocac khatarku ah nolasha bina adamka kaas oo sobaba xanuuno badan oo aad udaran siday ay baadhitaanku ogaadeen dadbadan oo expert ku ah Cilmiga isgaadhsiinta iyada oo ay jirto badhitanno badan oo laga sameeyey khatarta Tawaradu u leeyihiin dadka waxaynu soo qadan doona daraso ay sameeyeen khuboro ka tirsan Jamacada University Southern California USA waxay baadhitaanka ku ogaadeen inay Tawaradani ama (BTS) sobaban xanuunno ay ka mid yihiin Madax xanuun( headache), Hurdo xumo (sleep disorder) xusuusta oo yaraata (poor memory), Khalkhal dhinac abateedkaa (appetite disturbance), Jahawareer (confusion) sidookale darasadan waxaa lagu daah furay in ay 3 laab uga khatar badan yihiin dadka ka agdhaw Tawarada ama ku nool mastafo u jirta 400 meter inay qaadan Cancel ku dhaca midhicirka (bowel cancel),ganac(pancreas cancel ),sanbabka(lung cancel),dhiiga(blood cancel ) iyo Cancelka dumarka nasaha kagaga dhaca (Breasts cancel). sidaad arki karto waxaa khatar ugu jira xanuunada aad ka halista u ah Allah haynaga hayee inay qaadan dadbadan oo magaloyinka ka Somaliland ku nool.


Gebababdii waxaan dulucda maqalkaygan ku soo afmeerayaa baaq aan ujeedinayo xukumada Somaliland gaar ahaan wasarada caafimaadka iyo shirkadah isgaadhsiinta


1)Wasarada caafimaadku iyada ayaa shacabka ugu masuula daryeelka caafimaad iyo hubinta wax kasta oo khatar caafimaad ku keeni kara bulshada ay xilka u hayaan waa inay baadhitaan ku sameeyaan khatarta ka jirta Tawarada loo dhigay sida bilaa xuduudaa.


2)Shirkadaha isgaadhsiintaa waxaa waajibku ah inay utudhaan shacabkooda oo aanay eegin uun halkay shilinka ay ka kordhin karaan.



By: Abdirahman Olad rafiiq2@hotmail.com


Mahad oo dhan Allah iskaleh.








http://samotalis.blogspot.com/

No comments: