09 September, 2012

Shirweynihii Beesha Ciise Uga Socday Ceel-Gaal Oo Laga Soo Saaray Go’aamo Xasaasiya Oo Taabanaya Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Mawqifka Ay Ka Istaageen Deegaanada Doorashooyinka Laga Xayiray


Shirweynihii Beesha Ciise Uga Socday Ceel-Gaal Oo Laga Soo Saaray Go’aamo Xasaasiya Oo Taabanaya Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Mawqifka Ay Ka Istaageen Deegaanada Doorashooyinka Laga Xayiray


Hargeysa, September 7, 2010 (Haatuf) – Shirweynihii guurtida iyo waxgaradka beesha Ciise uga socday deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Selel ayaa shalay laga soo saaray warmurtiyeed xabraasan qodobo ku wajahan deegaanada waqooyiga Hargeysa ee laga xayiray doorashooyinka iyo mawqifka siyaasadeed ee beesha Ciise ay ka istaagtay musharaxiinta Axsaabta siyaasada ee ku tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka ee beeshooda ka soo jeeda, kuwaas oo lagu taageeray musharaxiinta iska soo sharaxay xisbiga Kulmiye, Ururka Wadani iyo Ururka Xaqsoor, halka xisbiga Ucid, Ururada Dalsan iyo Nasiye-na loo duceeyay.
Shirweynaha madaxdhaqameedyada beelaha Ciise oo muddo shan iyo labaatan maalmood ah uga socday deegaanka Ceel-gaal oo shalay la soo gabagabeeyay, ayaa wargeyska Haatuf mar uu shalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhay Mudane Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ahaa siyaasiyiintii lagu marti-qaaday , isagoo ku sugan degmada Xariirad ee gobolka Selel oo aanu waax ka waydiinay nuxurka go’aamada ka soo baxay shirkaasi, ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Shirka beeshu waxa iska lahaa qabanqaabadiisa madaxda dhaqanka oo fadhiyay muddo 25 maalmood ah, intaa ka dibna qolooyinkayaga Axsaabta siyaasada ayay nagu marti qaadeen si aanu xogwaran uga siino saddexda xisbi iyo lixda urur ee ku tartami doona doorashooyinka deegaanka, waxaana shirkaasi lagu ansixiyay xisbiga Kulmiye, ururka Wadani iyo ururka Xaqsoor, halka saddexda urur ee kale ah Dalsan Nasiye iyo Ucidna ay u duceeyeen”
Md Cali Aareeye oo ka hadlaya go’aanada shirkaasi waxa uu intaa ku daray “War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxa ka mid ah:-
1. In Qaranimada iyo gooni isku taaga Somaliland ay lama taabtaan tahay, beesha Ciise-na aan loo baqi karin.
2. In lixdii deegaan ee laga xayiray qabsoomida doorashooyinkii hore  laga qabto doorashada deegaanada, xukuumaduna waajibkeeda ka qaadato, komishankuna xilkiisa guto.
3. In xeerkii kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka la dhaqan galiyo, isla markaana habki 60-kii loo hirgeliyo kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka, taas oo sharciyan ay degamada Lughaya la tirsan tahay gobolka Selel.
4. Maadaama ay beesha Ciise halgankii dib loogu xoreeyay dalka iyo ururkii SNM ee hormood ka ahaa ay qayb laxaadle ku lahayd in beeshu xqaii ay ku lahayd saamiga xukuumada laga siiyo.
5. In shacbiga reer Somaliland ay doorashada golayaasha deegaanka u galaan si nabadgalyo ah oo xasiloon, isla markaana laga fogaado waxkasta oo wax u dhimaya amaanka iyo doorashada qabsoomideeda”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: