05 September, 2012

Rayaale oo ganafka ku dhuftay qoraalkii gudiga diiwaangelinta soo melmeleen jawaab kululna goroda...


Rayaale oo ganafka ku dhuftay qoraalkii gudiga diiwaangelinta soo melmeleen jawaab kululna goroda...


 Rayaale oo ganafka ku dhuftay qoraalkii gudiga diiwaangelinta soo melmeleen jawaab kululna goroda u geliyey



Hargysa,-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ahna gudoomiyaha xisbiga Udub ayaa si weyn ugu gacan saydhay qoraal ay soo saareen gudiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta siyaasiga ,qoraalkoodaas oo ay ku sheegeen inay laaleen musharaxnimada Warancade iyo ku xigeenkiisa Axmed Xaaji Daahir yeelkeede rayaale wuxuu yidhi "Gudiga diiwaangelintu warqadan ay soo qoreen waxaan u arkaa inay tahay xamla dacaaya, Go'aankayaga waxba kama bedeli karaan".

Rayaale wuxuu kaloo intaad ku daray in xisbiyadu xaq u leeyihiin inay musharaxiintooda soo xushaan/doortaan balse aanay xaq u lahayn gudiga diiwaangelintu inay u dooraan ama u yeedhiyaan siday hadda wadwadaan.

Rayaale wuxuu ku nuuxnuuxsadey in gudiga diiwaangelintu ururadu wadaan olole dacaayadeed,xamla dacaayo ama marin habaabin islamarkaana waxay muujiyeen inaanay xisbiyada dhex u ahayn ee dhinac wax u wadaan waayo ayuu yidhi " waxaa jira xisbiyo ka horeeyay Udub oo shirkii golahooda dhexe ku doortay musharaxoodii oo aanay ka hadlan ee keena maxaa uga uray?.

Rayaale wuxuu kaloo takiidiyey in xisbi ahaan sharci tahay in mudo 15 cisho ah ugu gudbiyaan gudiga wixii isbedel ay ku sameeyeen xeer hoosaadkooda balse wuxuu sheegay inay gudigu ka degdegeen arintaas oo aanay sugin laakiin warqad qoreen oo warbaahintana geliyeen taas oo ah dacaayad ,gef iyo ujeedo khaldan.

Sidoo kale Rayaale wuxuu sheegay inay sharci tahay in Golaha dhexe ee xisbigu magacaabo musharaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa islamarkaana laga ansixiyo shirweynaha xisbiga oo shirweynaha u taalo inuu ogolaado iyo inuu diido labadaba balse gudigan xaq uma laha ayuu yidhi inay noo xulaan ama noo yeedhiyaan cidaanu u dooranayno musharaxiin, gudiguna wey degdegeen,si weyn bayna xisbi ahaan noogu gefeen ayuu raaciyey.

Rayaale wuxuu ku celceliyey inaanay gudiga diiwaangelintu xaq u lahayn inay wax u magacaabaan, wuxuuna intaas ku daray inaanay hawlahan ay gacmaha kula jiraan shaqadoodaba ahayn ee komishan kale u xilsaaran yahay taas darteed wuxuu u soo jeediyey inay ku soo laabtan dhexdhexaadnimadii iyo garsoorkii.

Isku soo wada duuboo wuxuu Rayaale mar kale iclaamiyey in musharaxa iyo musharax ku xigeenka xisbiga Udub yihiin, ahaan doonana Cali Warancade iyo Axmed Xaaji Daahir, insha allahna lagu ansixin doono shirweynaha xisbiga.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: