15 September, 2012

Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Bandhigaayay Murashax,Khadar Sh.Ibraahim(Dugsiiye),Oo Ka Mida Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye


Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Bandhigaayay Murashax,Khadar Sh.Ibraahim(Dugsiiye),Oo Ka Mida Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye iyo
Beesha Makaahiil Oo Xukuumada Iyo Kulmiye Ka Dalbaday Xaalmarin
Beesha Makaahiil Oo Ka Mida Beelaha Ugu Waaweyn Beelaha Reer Somaliland, Ayaa Maanta Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ugu Baaqay Islamarkaana Ka Dalbaday Inuu Xaalmarin Siiyo Beesha. 

Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Bandhigaayay Murashax,Khadar Sh.Ibraahim(Dugsiiye),Oo Ka Mida Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye Uga Qayb Galidoona Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland,Ee Daba Yaaqada Sanadkan Ka Qabsoomidoonta Dalka Somaliland,Oo Lagu Qabtay Hotel Crown Ee Magaalada Hargaysa,ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Hogaanka Sare Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ugu Horeeyo Gudoomiye Ku Xisgeenka Kulmiye,Muj:Maxamed Kaahin Axmed. 

Waxana Ugu Horeyn Furay,Iid Ismaaciil Cabdi Iyo Daahir Sacad Oo Ku Hadlaayay Afka Dhalin Yarada Beesha Makaahiil,Kuwaas Oo Sheegay In Dhalinta Beeshu Iyo Guud Ahaanba Yahiin Xisbiga Kulmiye Iyaga Oo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Ugu Baaqay Inay Hoos U Eegaan,Caaqil Cismaan Cali Cabdi,Caaqil Maxamed C/laahi Jabane,Nuur Iyo Xildhibaan,Maxamed Xaaji C/kariin,Oo Iyaguna Ka Hadlay Xafladaasi Ayaa Dhamaantood Cod-Dheer Ku Sheegay In Beeshu Waligeeba Ahayd Kulmiye,Kana Mid Ahaayeen Beelahii Codkooda Uu Xisbigu Ku Helay Kursiga Madaxtooyada, Balse Waxay Nasiib Daro Ku Tilmaameen In Loogu Abaal Guday Xadhig,Iyaga Oo Carabka Ku Dhuftay Barasaabkii Gobalka Maroodi Jeex,Xamarji,Oo Ay Sheeheen Inuu Ahaa Shakhsiga Kaliya Ee Ay Xukuumada Ku Lahaayeen. 

Suldaanka Guud Ee Beesha Makaahiil Suldaan: Maxamed Siciid Oo Isna Goob Joog ahaa Islamarkaana Ka Hadlay Xafldan Ayaa Isna Dhankiis Sheegay In Beeshu Iyada Oo Xukuumada Oo Ka Soo Baxday Xisbiga Kulmiye Xumaysay Islamarkaana Ay Dishay Magacii Beesha Balse Hadana Iyagu Beel Ahaan Iska Dhaafeen Waxaa Lagu Sameeyay,Murashaxiintoodiina Ay Keenen Kulmiye,Taageersan Yahiina Xukuumada Iyo Xisbigaba Balse Ay Xukuumada Iyo Xisbigaba Ka Sugayaan Jawaab Xaalmarina. 

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Xusni Iyo Xoghayaha Guud, Xasan Siciid Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Muj;Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Iyahuna Dhankooda Sheegay Inay Xaalsiinaayaan,Iyaga Oo Balan Qaaday In Xisbiga Iyo Xukuumaduba Jawaabta Ku Haboon Ee Beeshu Ku Ilaabayso Waxay Tabanayso. 

Sikastooy ahaataba Waa Markii Ugu Horeysey Ee Cuqaasha Waxgaradka,dhalinyarada,Ganacsatada Iyo Aqoon yahanka Beesha Makaahiil Baaq Noocana Oo Tabashada Xukuumada ka Tabayaan U Diraan Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye ba,Mana ah Beeshii Ugu Horeysay Ee Xukuumada Siilaanyo ka Tabanaysa,Tabasho Dhinaca Siyaasada ah,Balse Inta Badan Beelaha Dega gobalada Somaliland ayaa Tabashooyin Siyaasadeed Ka Sheeganaaya . 

www.Almisnews.info 

office hargaysa/somaliland 

Mustafe Axmed (Herer). 

Email:Soyce09@hotmail.com 

Contact:4061560. 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: