14 September, 2012

Cismaan Hindi oo Hotelka Crown ku qabtay Xafalad Baroor-diiq ah oo uu Xisbiga UDUB ku macasalaamaynayo

Cismaan Hindi oo Hotelka Crown ku qabtay Xafalad Baroor-diiq ah oo uu Xisbiga UDUB ku macasalaamaynayo ugana digayo in ay kooxo magaca Xisbiga sheeganayaa Axsaabta kale kula gor-gortamaan

Hargeysa(Waaheen) Cismaan C/laahi Cigaal Cismaan Hindi iyo xubno ka mid ahaa Xisbigaasi oo maanta kulan Baroor-diiq, Talo, Dardaaran iyo Digniin isugu jirta ku qabtay Hotelka Crown ayaa ugu baaqay xubnihii Damaca Siyaasadeed ee Golaha Deegaanku ku jiray inay ku biiraan Urur/Xisbiga ay doonaan maadaama Xsibigii UDUB ka hadhay Doorasahadii.

Cismaan Hindi iyo masuuliyiinta kale ee kulankaasi ka hadalay ayaa uga digay Kooxaha ay isku soo horjeedeen ee Xisbiga sii sheeganaya inaanay u adeegsan Nidaam siyaasadeed ee Beelaysan oo ay kula Gor Gortamaan Axsaabta kale si ay awood ugu helaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen xeerka Anshaxa ee ay Ururada/Axsaabaata Tartamaya iyo Komishanku wada saxeexayeen inaanu khusayn maadaama Xisbi ahaan ay ka hadheenba Doorashadii . isla markaana waxa ay meesha ka saareen dhibaatada soo gaadhay xisbigooda inaanu Xukuumad, Komishan iyo Guddi Diiwaangelineed aan midna lagula gal galan ee ay masuuliyiintiisii Burburiyeen.

Ugu danabayntiina waxa aya ka warameen Taariikhdii Xisbiga UDUB ku lahaa Siyaasadda Hogaamineed ee Dalka iyo Dimuquraadiyadda ka hana qaaday oo ay u nisbeeyeen inuu Bud-dhig u ahaa Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: