10 September, 2012

Metro police charge Muslim woman with attempted terrorism.

Hoos Ka Daawo;Gabadh Somaliyeed Oo Xabsi Ku Mutaysatay Kaftan Ay Ku Tidhi Waan Idin Laynayaa.
Booliiska magaalda Nashville ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen gabadh Soomaali ah oo ku nool magaaladaas:

Booliiska magaalda Nashville ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen haweeney Soomaali ah oo ku nool magaaladaas ka dib markii ay haweeneydaas lagu soo eedeeye isku day argagaxisinimo xili ay haweeneydaas aysan sameyn fal aan ahayn inay afka un ka hadashey. 

Haweeneydaan Soomaaliyada ah oo lagu magacaabo Amal Axmed Cabdullahi oo 29 sano jir ah oo ka tirsanaeyd shaqaalaha shirkada CEVA Logistics ayaa waxaa la sheegay in lagu soo eedeeyey isku day argagaxisnimo iyo inay taageero weyn u heyso argagaxisada, haweeneydaan oo uu ashtako ka bixiyey mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaas oo ay wada shaqeynaayeen ka dib markii ay is dhaafsadeen dood ku saabsan xaga diinta iyadoona ay haweeneydaasi sheegtay inay tahay qof muslim ah islamarkaana ay u shahiideyso ilaah dartiis oo ay nolol fiican oo qiimo lehna u dambeyso, Sidoo kale ayey haweeneydaasi waxay ugu hanjabtey dadkii la shaqeynaayey inay wanaagsanaan lahayd in kuligood la laayo maadaama ay gaalo yihiin, haweeneydaan ayaa waxaa la sheegay inay sidoo kale ay sheegtay in dalka Mareykanku uu si dhaqso ah u noqon doono wadan muslin ah, Laakiin arinta cabsida weyn galisay shaqaalahaas ayaa waxay ahayd ka dib markii ay haweeneydaas sheegtay inay qori soo qaadan doonto oo ay dhamaantood toogan doonto. 

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaas Soomaalida ah uu afkeeda u soo jiiday inay xabsiga gasho ayaa su'aalihii ugu horeyey ee ay booliisku weydiiyeen haweeneydaas waxay dafirtay inay waxyaabahaa ku hadashay laakiinse markii dambe ayey haweeneydaasi sheegtay inay xasuusato oo kaliya inay jirtey dood ku saabsaneyd diinta oo u dhaxaysay iyada iyo mid ka mid ah shaqaalaha, Soomaalida oo inta badan iska hadal maalaacayni ah yaqaan ayey arintaan ka mid tahay hadalo ay ku hadlaan qaar badan oo ka tirsan Soomaalida qaxootiga ee ku nool wadamada reer Galbeedka, Afhayeen u hadlay ururka muslimiinta magaaladaas ee Islamic Center of Nashville oo lagu magacaabo Amir Arain ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in qaar ka mid ah dadkooda inay sidaa u dhaqmaan asagoona sheegay inay mar walba dhaleeceynayaan wixii ku saabsan dagaal iyo fidno, haweeneydaan oo dhawaaantaan la horkeeni doono maxkamada ayaa lagu xirey sii deynteeda lacag damiin ama dibaaji ah ah oo gaareysa ilaa iyo 50,000 oo doolar. 




No comments: