10 September, 2012

BERBERA HANTIDA WAY DHASHAA, LAAKIIN LAMA GALIYO EE WAXAA CUNA MADAXTOOYADDA IYO NACAMLAYAASHA GUDOOMIYAH URURKA UMADA DR GABOOSE

BERBERA HANTIDA WAY DHASHAA, LAAKIIN LAMA GALIYO EE WAXAA CUNA MADAXTOOYADDA IYO NACAMLAYAASHA GUDOOMIYAH URURKA UMADA DR GABOOSE




Hargeysa (CNN) Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka hadlay dib u dhaca Magaalo Madaxda gobolka Saaxil

ee Berbera, waxaanu sheegay in hantida ka soo baxda la geeyo aqalka Madaxtooyadda Somaliland.

Dr Gaboose, waxa uu sheegay in hantida Berbera taala ee ay ka mid yihiin kaluunka Badda ku jira, haamaha shidaalka, buuraha Sibidhka iyo Madaarka diyaaradaha Berbera marka ay dadku arkaan ay ku qiimayn karaan reer Berbera inay yihiin kuwo ugu hodansan shacabka Somaliland, balse marka Magaaladda la dhex maro uu ka muuqanayo dib u dhac baaxad leh.

Guddoomiyaha UMADDA oo ka hadlayay xaflad ururkiisu ku soo bandhigayey 18 Musharax ayaa sheegay in hantida Berbera ka soo baxda la geeyo aqalka Madaxtooyadda isla-markaana ay cunaan kuwa uu ugu yeeshay beenaalayaa Iyo Nacamlayaa Ka Dhex Aloosan Aqalka Dalka Looga Taliyo

Dr Gaboose Ayaa Mudooyinkii Danbe Si Xoogan U Dhaliila Xukumada Ahmed Silaanyo Oo Uu Hore Uga Mid Ahaan Jiray Balse Dadka Siyaasada Faaleeya Ayaa Dr Gaboose Ku Macneeya In Uu Yahay Hogaamiyaha Qudha Ee Mucaarada Ee Iminka Dalka Somaliland Ka Jira Maadaama uu Madaxwayne Ahmed Silaanyo Siyaasad Qabow Ku Baabiiyey Mucaaradkii Dalka KA Jiray




Berber Somaliland
Caynaba News Office




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: