08 September, 2012

Gudigii shirkii Daallo Oo Doortay Shir Gudoon,

Gudigii shirkii Daallo Oo Doortay Shir Gudoon,

Gudi ka koobnaa 47 Xubnood oo lagu doortay shirkii beel-weynta Habaryoonis ku qabsatay Buurta Daallo bishii Juun ee sanadka 2021ka ayaa todobaadkan shir ay ku qabsadeen magaalada Burco iska dhex doortay shirgudoon cusub oo haga guddida,Guddi joogto iyo Gudi hawleedyo kale oo halkaas ka sii ambaqaada hawlihii loo igmaday ama ay isu xilsaareen inay wax ku qabtaan oo aynu ka xusi karno adeegyada dhinacyada Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha iyo Horumarinta guud ahaan iyo gaar ahaanba degaanada beesha HY ku suntan tahay inay degto iyo kuwa lala degaba.

LIISKA GUDIGA LA DOORTAY IYO XILALKA LOO IGMADAY:-

1- Xasan Xuseen Faarax----- Gudoomiyaha Gudiga Beelweynta HY
2- Maxamed Cabdi Dheere--- Gudoomiye xigeenka 1aad
3- Yassin Cabdi Cali ----Gudoomiye xigeenka 2aad
3- C/raxman Y. Badheedha---Gudoomiye xigeenka 3aad
4- C/raxmaan muuse ----Xoghayaha guud ee gudiga
5- Yassin Saleebaa M.Nuur----Xisaabiyaha Gudida
6- Yaxye ibraahin------------- -Khasnajiga Gudida

Dhinaca kale gudigu waxay iska dhex doorteen 21 Xubnood oo lagu sheegay inay yihiin gudi joogto oo xaruntooda amaba fadhigoodu noqon doona magaalada Burco ,islamarkaana muddo xiloodkoodu yahay muddo hal sano ah.

No comments: