31 August, 2012

Wasiirkii warfaafinta iyo wacyi-gelinta ee xilka laga qaaday Boobe Yuusuf Ducaale ayaa warsaxafadeed uu maanta soo saaray wuxuu......

 Wasiirkii warfaafinta iyo wacyi-gelinta ee xilka laga qaaday Boobe Yuusuf Ducaale ayaa warsaxafadeed uu maanta soo saaray wuxuu kaga dalbaday Madaxweyne Siilaanyo inuu soo saaro qoraal uu ku burinayo xilalkii uu ka qaaday agaasimayaashii telefishanka qarranka iyo Wergeyska Dawan ama ayuu yidhi ay xilalkoodii tiriyaan, qoraal saxafadeedka wuxuu Boobe ku yidhi sidani:

Aniga oo ah Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), una dallacay derajada ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland,

waxaan halkan ku soo saarayaa war-saxaafadeedkan ku saabsan arrimaha la xidhiidha xil-wareejinta. Waa war-saxaafadeed kooban oo ku saabsan arrintaa xil-wareejinta oo keliya. Sida xil-ka-qaadistaydu ku timid waa dhacdo kale oo maalinteeda ama maalmaheedaba yeelan doonta, waana la iga dhur-sugayaa inta aan xilka dawladnimo wareejinayo, damiirka xalan ayaana sidaa I faraya.

27/8/12ka, waxaan soo saaray Go?aammo Wasaaradeed oo ku suntanaa Ref: 05/08/2012ka, oo uu ka mid ahaa:

Si ku-meel-gaadh ah in uu Xasan Maxamed Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-gu xilkiisii ugu wareejiyo Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa.

Xil-wareejintaas waxa hirgeliyay Guddidii aan u magacaabay oo ka koobnayd Agaasimaha Guud, Agaasimaha Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta. Intaas waxa raacsanaa xil-ka-qaadista Agaasimihii Tv-ga Qaranka iyo Guddoomiyihii Dawan Media Group, oo halkoodii aan laba Agaasime oo cusub u magacaabay. Xil-wareejintaasi mid fulaysa uma eka, in kasta oo aan u muddeeyay maalinta Sabtida ee ay Bishan Ogos 1da tahay.

Aniga oo mar walba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-celinaya magacaabistaydii hore iyo xil-ka-qaadistaydan danbeba, milge iyo maamuus badanna ugu haya qiimaynta uu I qiimeeyay, waxaan war-saxaafadeedkaygan kooban ku dalbanayaa:
In aan la gar-garoocan Go?aammadaydii ama Digreetadaydii Wasaaradeed oo aanay qaarna dhadhan samayn oo aan lagu degdegin kala-wareejinta, qaarna aan isha laga qarsan oo aanay fulin,



In xilalkii aan magacaabay xil-wareejin rasmiya oo ta Wasiirka ka horreysa loo sameeyo maa daama ay kala horreeyeen, milgaha dawladnimana sidaa ina farayo,

Haddii kale in Madaxweynaha JSL soo saaro go?aan uu ku burinayo Go?aammadii ama Digreetadii Wasaaradeed ee 27kii bishan dhammaanteed ama qaybo ka mid ahba,


Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan u hoggaansanahay hirgelintada Digreetadii Madaxweynaha ee xil-ka-qaadistayda, mahad iyo abaalna ugu hayo walaalkaygii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: