London(CNN)Wasiirkii Warfaafinta Somaliland oo maanta xilka laga qaaday Boobe Yuusuf Ducaale iyo Gudoomiyaha Wargeysa DAWAN Maxamed Cismaan Mire(Sayid)
oo Wasiir ku xilka ka qaaday isaga iyo Agaasimaha Telefishnka dawlada Axmed Saleeban Dhuxul, ayaa Maanta markii xil ka qaadistiisu soo baxday gacan ka hadal ku weeraray Maxamed Cismaan Mire(Sayid) oo ahaa agaasimaha wargayska Dawan oo ay ku kulmeen Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa gacan ka hadalkaa ayaa dhaawac kasoo gaadhay Maxamed Cismaan Mire(Sayid) oo ahaa gudoomaha Wargeyska Dawan, kaas oo ka jabay gacanta Midig waxaanay shaqsiyaad goobta uu falku ka dhacay ku sugnaa ay sheegeen in uu wasiir Boobe Yuusuf Ducaale uu Ku qabtay Looto Qoorta Isuguna Dhuftay Taasina Ay Keentay In Sayid Cismaan Mire Ka Jabo Gacanta Sayid oo isaga wakhtigaa soo galay Hotelka halka uu Boobe kusii sugnaa Hotelka
Dad goobjoog ah ayaa iyaguna sheegay in Wasiirka oo mudo yar ka hor loo keenay digreetada xilka lagaga qaaday ay isku afdhaafeen Hotelka Maxamed Cismaan Mire(Sayid) oo ka mid ahaa masuuliyiinta waaxaha wasaaradda ee uu Muj. Boobe xilka ka qaaday maalintii doraad, taas oo sababtay khilaaf soo kala dhexgalay Wasiir Boobe iyo Madaxtooyada kadib markii lagu wargaliyay wasiir Boobe in uu xilalkooda ku celiyo labada agaasime ee Tvga qaranka iyo Wargayska dawan, isla markaana waxa dalabkaa ka dhega adaygay wasiir Boobe Yuusuf Ducaale oo ku adkaysatay inaanu aqbalayn inay kusoo noqdaan wasaaradda, taas oo uu sabab uga dhigay inay hormood u yihiin khilaaf mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa wasaaradda warfaafinta dhexdeeda waxaanay taasi soo dadajisay xilka ka xayuubinta wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta Boobe Yuusuf Ducaale
Dhanka Kale mr Boobe Oo Aanu Arinkaa Wax Ka Waydiiny Aya Wasiirku Wuxuu Caynaba News U Sheegay In Aaan Arinkaa Waxba Kala Socon Waa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) oo isaga isla maanta uu madaxweynaha Somaliland xilka ka qaaday, xilkii wasaaradana si ku meelgaadha ugu magacaabay in uu sii hayo wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaji cali Cadami.Dhac dadan Dagaalka Ee uu Sameeyey Wasiir boobe Ayaa Ah Mid Ku Cusub Siyaasada Dalka In Nin Masuula Uu Dagaal Cad Ku Qaado Ciduu U Tirinaayo Xilka Laga Qaaday Dhanka Kale Sayid Ayaa Caynaba News U Xaqiijiyey In Uu Mr Boobe Gacanta Ka Jabiyey Laba Dagaalamay Isaga Oo Aan War U Hayn Wuxuu Kula Dagaalamaayo
No comments:
Post a Comment