30 August, 2012

Shirweynihii G/Dhexe Ee Udub Oo Waji Gabax kala kulmay 33-kii Mudane Ee Baarlamaanka Ugu jiray Oo 4 Xubnood Oo Kali Ahi Ay Ka Soo Xaadireen

Shirweynihii G/Dhexe Ee Udub Oo Waji Gabax kala kulmay 33-kii Mudane Ee Baarlamaanka Ugu jiray Oo 4 Xubnood Oo Kali Ahi Ay Ka Soo Xaadireen


Hargeysa, August 29, 2012 (Haatuf) – Xisbiga Udub oo maalintii doraad Hargeysa ku qabsaday shirkiisii golaha dhexe ayaa 33-kii mudane ee golaha wakiilada ugu jiray waxa ka soo xaadiray shirkaasi afar mudane oo kaliya, kuwaas oo hogaanka Udub ay waji-gabax kala kulmeen xubnahoodii aqalka Baarlamaanka ugu jiray.
Afarta xildhibaan ee ka soo xaadiray shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Udub oo Isniintii todobaadkan ku qabsoomay Hotel Ambassador, ayaa waxay kala ahaayeen:-
  1. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog)
  2. Mataan Maxamed Hoori
  3. Axmed Barkhad Obsiiye
  4. Baar Siciid Faarax
Kuwaas oo madi ku noqday shirka golaha dhexe ee xisbigooda Udub.
29-ka xubnood ee kale ee golahaasi wakiilada uu ku lahaa xisbiga Udub ayaa badankoodu u kala qaybsamay Kulmiye iyo Wadani. http://samotalis.blogspot.com/

No comments: