Hargeysa (CNN)- Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Somaliland Md Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe oo la sheegay in gacan ka hadal dhex maray agaasimihiih hore dawan Media Group Maxamed Cismaan Mire (Sayid) ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay gacan ka hadalkaas.
Geesta kale wasiir Cabdi Yuusuf Ducaale oo ay Caynabanews la xidhiidhay ayaanu wax ka waydiinay xilka uu ka qaaday madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Ugu horayn waxaanu wasiirka waydiinay inay jirto gacan ka hadal ku dhex maray Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa agasimihii Dawan Media Group oo laba cisho ka hor xilka ka qaaday, waxaanu sheegay inay arrintaasi tahay mid aan sal iyo raadtoona lahay.
Wasiirka oo aanu mar kale ku celinay inay jirto gacan ka hadalkaasi ayaa yidhi “waar ninkaas ismaanu arag”
Geesta kale Wasiirkii hore ee warfaafinta Md Boobe Yuusuf Ducaale ayaa noo sheegay inuu madaxweynuhu xilkii ka qaaday, waxaanu yidhi “haa madaxweynuhu uu iga qaaday, waanan ka hadli doonaa insha Allah”
Ibraahim Qaasim
Hargeysa-Somaliland
Caynabanews-Office
Qaasin05@hotmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment