28 August, 2012

WAR DEG DEG AH PROF.JAWAARI OO GUDOOMIYENIMADA BAARLAMAANKA SOMALIYA KU GUULEYSTAY IYO HALKA CALI KHALIF GALAYDH LOO QUUS GOOYAY

WAR DEG DEG AH PROF.JAWAARI OO GUDOOMIYENIMADA BAARLAMAANKA SOMALIYA KU GUULEYSTAY IYO HALKA CALI KHALIF GALAYDH LOO QUUS GOOYAY





Muqdisho(CNN) Doorashada golaha baarlamaanka somaliya oo hada uu ku guuleystay Prof.Jawaari doorashadii maanta oo ay fadhiyeen 236 xildhibaan ayaa waxey ka dhacday xarunta dugsiga sare ee booliska ee magaalada Muqdisho, xilli amaanka si weyn loo adkeeyay. 234 xildhibaan ayaa codadkooda dhiibtay halka 2 codna ay halaabeen
Wareegii 1aad ee doorashada ayaa shanta musharax ee baratamayay ay codadka u kala heleen sidan.


1-Prof. Maxamed Cusman Jawaari 119- Cod
2- Dr. Cali Khaliif Galeyr 77 -Cod
3- Cabdi Xaashi Cabdullahi 23- Cod
4- Cabdirashid Maxamed Xidig 10- Cod
5- Xassan Abshir Faarax 5 – Cod

Markii loo diyaar garoobay in loo gudbo wareegga 2aad ee doorashada ayaa waxaa tanasulay oo doorashada ka haray sadex musharax oo laba ka mid ah ay sheegeen inay codadkooda ku biirinayaan Pro: Maxamed Cusman Jawaari.

Sida uu qabo dastuurka Somalia oo ah in musharaxa hela 275ka xubnood 139 Cod ayaa musharixiinta aysan midna helin codadkaa.

Waxaa tanasulaadda sadex musharax ka dib isu soo haray Dr. Cali Khaliif Galeyr iyo Prof. Maxamed Cusman Jawaawi.



Markii lagu dhawaaqay inuu bilowday wareegga sadexaad ayaa waxaa tanasulay oo doorashada ka haray Dr. Cali Khaliif Galeyr sidaana waxaa ku noqday gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Somalia, Professor, Maxamed Cusman Jawaari, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyihii KMG ahaa ee baarlamanka Gen: Muuse Xassan Cabdulle.


Mustafe Amiir

Xafiiska Wararka Dibada Ee Caynaba News


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: