04 August, 2012

WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNA SOMALILAND OO MAGACAABAY WASIIRUHU DAWLAHA ....

WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNA SOMALILAND OO MAGACAABAY WASIIRUHU DAWLAHA NABADAYNTA ARRIMAHA BARIGA UNA MAGACAABAY KAYSE CABDI YUUSUF





Hargeysa- (CNN) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta magacaabay wasiiru dawle cusub, waxaanu wasiiru dawlahaasi noqon doonaa wasiiru-dawlaha nabadaynta arrimaha gobollada bariga Somaliland.

Waxaa sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaana ku saxeexan af-hayeenka xukumada Somaliland cabdilaahi maxamed daahir cukuse.



Masuulka uu madaxweynuhu maanta magacaabay ayaa ah gudoomiyihii urur siyaasadeedkii hadhay ee SSC md Kayse Cabdi Yuusuf

Waxaanu u dhignaa sidan:-

04-08-2012

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed MaxamedMaxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahayJSL/M/XERM/249-1246/082012ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.


Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasiiradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:Baahida loo qabo Xallinta Khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda Gobollada Bariee JSL;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo abuuridda jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL oo hoos imandoonta Madaxweynaha;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado

Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Caynabanews-office

Qaasin05@hotmail.com




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: