XAWAALADA UUN MA U SOCON KARAA!(SHEEKO)
Iyadoo waqtigii xagaagu uu dhamaad yahay oo dad badan oo qurbaha ka tagey ay soo noqonayaan , ayaa dad badani koley hawlo adduun lasoo noqonayaan .
Dadka calaf doonkaahaaayaa Qaar soo aroosteen qaarna iska soo noqdeeniyada oo xaalkoodu yahay xagaas
ayaa layga joogaa.qofku marka uu dalkii tago haddii uu cimirgii guurka gaadhay , ayaa waxay dadku kugula talinayaan GUURSO, GUURSO iyadoo raga xaaska kaga tagey qurbahana la yidhaa illahay AFAR ayuu kuu baneeyay ee ha biqin oo raga dhinac ka raac .
Rag iyo dumarba immika waa laga soo guursadaa waddankii , koley waxa jira labada dhanba qurbajooga iyo qaranjoogaba dad koley khiyaamo iyo niyad xumo u socda oo ujeedooyin guracan wata lakiin dadka bandkiisu waa qalbi XABXAB.
Dad badan oo dalkii jooga ayaa qofku marka qurbaha ka noqdo u haysata adhi carbeed aan waxba fahmeeyn oo filimo aad hore ugashay bari hore laga yaaba inay kuula yimadaan , lakiin laguma qarxiyo ee waa layska dhegaystaa waayo dadku waa dadkeenii iyo dalkeenii.
Gebegabo;waxaa jira rag iyo dumar badan oo dalkii jooga oo jecel inay guursadaan dadka qurbaha , markaa qaar baa weydiiya asxaabtooda ama ehelda inay cid kusoo xidhaan , gabadh reer UK ah ayaa hablo weydiyeen sidii ay cid ugu soo xidhi lahayd haddaba waxy istidhi hablaha yara niyad jabi oo ku adkee waxaanay tidhi waxaan aqaana uun ODOYAAL , markaas ayeey hablahii ugu jawabeen soow xawaalada uun uma lugayn karo.
Abdirahman Bidhaan Dahir bristol radio 93.2 fm bcfm.org.uk Bristol UK
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment