25 August, 2012

MA TABAALADII AAN QABAY AYAY TANINA II RAACDAY............

MA TABAALADII AAN QABAY AYAY TANINA II RAACDAY BOQOR CALI XUSEEN KAAHIN BOQORKA AYUUB SHEIKH ISAXAAQ

Umaday Somaliland meelkastoy jogaan Salaan baanu dirayaa kii xanuusanaya inuu Alle siiyo caafimaad sareecana kii caafimad qabana u siyaadiyo.

Madaxwaynaha jambuuriyadda Somaliland madaxwayne ku xigeenka, marwada koowaad iyo marwada labaadba Salaanbaan u diriayaa Xilka aad haysaanna Alle ha idinku guuleeyo Caafimaad qabna waan idiinku ducaynayaa.

Dawladda qaranbaa soo diirtay ee qabiil ma soo dooran boqolkiiba konton markuu ku guulaystay 15 nin ayuu u xil saaray inay soo dhisaan dawladda, 15 kii ninna afar qabiil oo reer sheikh isaxaaq ah iyo beelha laga tiro badanyahay ah ayay qadiyeen, taasi hadaba wadanka iyo umadda may qabtaa, 15kaa nin maanay dambiilayaal ahayn madaxwaynuhu se muxuu uga yeelay. Sinaaniyo cadaalad ayuu madaxwaynuhu ugu balanqaaday umadda kuna helay xilkay kuna dhaartay.taasi dalka iyo dadkaba may qabtaa.

Intaa waxa ii raaca 21 sanadood oo aanu dawladda Somaliland ka maqnayn oo aanan wasiir qudha ku lahayn hadaanu nahay Ayuub iyoToljecle labadii curad ee reer sheikh isaxaaq marka la isku qaadona toljeclaa u ah curad marka la kala qaadana ayuub magaaduu u yahay curad. Ayuub 12 jilib weeyi saddex meeloodna magtay u bixiyaan. Shqaalaha dawladdana waxaanu ku leenahay ma jiro. Wasiir waliba wuxuu shaqo geeyaaa dadkiisa. Bal wasiiradaada soo waraysoo shaqaalaha imisaa ayuub ah. Sida adarteed waxanu mudane madaxwayne kaa codsanaynaa inaad wasaard walba naga siiso laba hablood iyo sadex inamood ilayn dadka waanu la simanahay oonu curadkoodii nahaye.

Arimahaasi waxay ka mid tahay dulmiga ka dhacadya wadanka iyo inkaaraha ka dhacaaya.

Hadaba madaxwayne maalintii aad dawladda dhistay waataanu beel ahaan kuugu nimid eenu ku odhan jirnay maxaad noo qadisay aad noogu jawaabtay idinkooo qudha maan qadine afar qabiil baan qadiyay een kugu idhi afartaba maxaad u qadisay eed waxooga u siin wayday hadba waxaad noogu jawaabtay hadaad ayuub tihiin wana anigaa magacaabanaaya waxna waan idinkala tashanayaa.

Hadaba adigoo ku mahadsan waxaad noo magacawday gudoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismacil kuna faraxnay isagoo ah nin u qalma xilka ahna nin adag oo is hortaagay wixii musuq ka socday dalka aanu jecelnahay inuu wixii jira kula socodsiiyo. Markaad na siinaysayna anaka na sii iyo anaka na sii lagu yidhi eed tidhi reerkaa ayuub waa la xumeeyoo iyakaan siinayaa taana waad ku mahadsantahay. Wadaad iyo waranleba waxay u soo xayteen si ninkaa xilka looga qaado. Tii hore iyo tu dambana taasi wax uu ayuub gayo maaha ninka taas ku socdana waxaanu leenahay mana suuro galayso madaxwaynuhuna ma yeelayo. Somaliland makraanu ku macsuunnay gudoomiyaha SNM ayuu ahaa waxaasina maaha waxaanu gayno. Taasaanan wasiirna kaa sugaynaa inaad na siiso ood dagaalka inaad nagu dartaan doonaynaa dagaal ayuub ka maqanyahay dagaal maaheee.

Dadka xaasidka ah ee kuu soo qoraya waraaqaha inaanad waxba ka dhagaysan eed wixii cadaalad ahna isaga ka waraysato, Xilkaa aad na siisayna aad sidiisaa noogu dayso.

Geelaan darka u horay

Hormada laguma sii dayn

Anna kiisa kale diiday

Oo dumiyay ceelkii

Maxaa loo daraan dari

Hadaan dawliskaba gooyo

Waa gabaygii Xaaji Cabdi Ismaciil Guul Alla

Hadba dawliska goyn maynoo dadka iyo dalkaba waanu u ducaynaynaa

Markab laba musbaar maqantahay Ayaan meeel ka kabayaa

Maroodaan u cawsaynayaa maango yuurura

Maqalbaan hangoolka u sidaa maalin iyo layale

Anna kama maqnaan karo iyana igama maarmaane

Martida waxaan ka soo raa xagii maalkayagu yaalo

Ninna ima malayn karo markaan mawjadaa galo

Aduumbaan maqaar kula ahaye meel sarana ahaye

Waa garabayadii Xaaji Cabdi Ismaaciil Guul Allah

Siaa iyo nebed gelyo caafimaad qab iyo cimri dherer ayaan kuugu ducaynayaa tiirbaad qasatee tiirkaa hayso

No comments: