13 August, 2012

Komishanka Doorashooyinka Oo Si Rasmiya U Cayimay Maalinta Doorashada Deegaanka Ay Dalka Ka Dhacayso

Komishanka Doorashooyinka Oo Si Rasmiya U Cayimay Maalinta Doorashada Deegaanka Ay Dalka Ka Dhacayso

Hargeysa, 13, 2012 (Haatuf) - Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa xalay si ramsi ah u muddeeyay xilliga la qabanayo doorashooyinka golayaasha deegaanada dalka oo ay u asteeyeen in la qabto 28-ka November 2012-ka

Waxaana sidaasi lagu sheegay shir jaraa’id oo xalay Huteelka Maansoor ee Magaalada ay ku qabteen guddiga doorashooyinka qaranku, munaasabadaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta ururada siyaasada eek u tartamaya doorashada golayaasha deegaanka iyo masuuliyiin kale.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo ugu horayn halkaas ka akhriyay qoraalka ay soo saareen ka guddi ahaan, waxa uu yidhi

“Waxaan halkan ka salaamayaa shacbiga Somaliland iyo xubnaha shirkan jaraa’id goob jooga ka ah daneeyeyaasha doorashada, waxaynu sugaynay doorashada muddo dheer, waxa markii Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo wakiiladdu ansixiyeen xeerkii doorashada oo Madaxweynaha u gudbaya, ayaanu garanay inaanu cayino xilliga ay qabsoomayso doorashada deegaanku. Iyadoo ay noo soo dhamaadeen shuruudihii iyo asbaabihii ay u baahnaayeen qabsoomida doorashadda oo kala ahaa dhaqaalaha, in la helo sharcigii iyo in la helo farsamadii lagu galayay doorashada,”ayuu yidhi Afhayeenka dooorashada Goleyaasha deegaanka.

Maxamed Axmed Xisi Geelle oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Markii uuKomishanka arkay doorashada Golayaasha deegaanku waxa uu si rasmi ah u go’aamiyay xilliga la qabanayo doorashooyinka golayaasha deegaanka oo uu cayimay inay qabsoonto maalinta Arbacada ee 28-ka November 2012-ka oo ku beegnaan doonta 14-ka Bisha Muxaram ee 1434 ee taariikhda Hijriyadda Islaamka.” Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu sheegay in komishanku ay go’aamiyeen inay cayimaan doorashada Golayaasha deegaanka ka dib markii sida uu sheegay labada aqal ee Baarlamaanku ay meel mariyeen lifaaqii shanaad ee xeerka doorashooyinka oo jidaynaya in Murashaxiinta doorashada deegaanka loo sameeyo Lambaro astaamo u noqon doona.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in qaadhaan-bixiyeyaashii caalamka ee Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashooyinka iyo kobcinta Dimuqraadiyadu ay aqbaleen inay bixiyaan kharashaadkii doorashada lagu suurto gelin lahaa oo dhan 75%, halka xukuumadda Somaliland-na ay hore u shubtay dhaqaalihii l25% ahaa ee ay xukuumaddu ku bixiso doorashooyinka.

Md. Maxamed Axmed Xirsi waxa uu xisbiyada iyo ururada siyaasada uu u soo jeediyay inay u diyaar-garoobaan doorashada deegaanka, iyadoo uu tilmaamay inay wakhtiyo cayiman oo ay axsaabta iyo ururada siyaasadu ay ku soo gudbiyaan murashaxiinta doorashada golayaasha deegaanka. Waxaanu sheegay in ururada iyo axsaabta ay Maanta laga bilaabo shirar wada yeelan doonaan ay kaga wada hadlayaan arrimo khuseeya farsamo ahaan doorashada deegaanka.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: