08 August, 2012

Garabyada Ay Wakiiladu Ugu Kala Jabeen Ansixintii Wax Ka Badalka Xeer Lr 20 Iyo Gudoomiye Cirro Oo Markii Labaad Komishanka Ugu Baaqay Inay Mugdiga Ka Saaraan Xilliga Doorashada Deegaanada


Garabyada Ay Wakiiladu Ugu Kala Jabeen Ansixintii Wax Ka Badalka Xeer Lr 20 Iyo Gudoomiye Cirro Oo Markii Labaad Komishanka Ugu Baaqay Inay Mugdiga Ka Saaraan Xilliga Doorashada Deegaanada

Hargeysa August 8, 2012 (Haatuf) – Golaha wakiilada Somaliland oo shalay iskugu yimid kalfadhi aan caadi ahayn oo Madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaga dalbaday in wax ka badal ay ku sameeyaan qodobkii 22aad ee xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada xeer Lr 20/2012 oo ay labadooda gole ku soo meelmariyeen in astaamo loo sameeyo musharixiinta golayaasha deegaanka, balse Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay in Lanbaro ay ku badalaan calaamadaha murashixiinta, ayaa si weyn shalay ugu kala jabay ansixinta wax ka badalka lifaaqa 5aad ee xeer lr 20 ee Madaxweynuhu ku soo celiyay.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo gudoominayay fadhiga shalay, oo ay ka soo xaadireen 53 mudane, isla markaana goluhu ku meelmariyay soo jeedinta Madaxweynaha ee Lanbarada doorashada golayaasha deegaanka cod dhan 37 mudane, halka ay 4 mudane ka diideen, isla markaana ka aamuseen 12 mudane, ayaa waxa madasha fadhiga oo ay ka dhalatay xiisad kulul oo lagu kala qaybsamay, ayaa garab ka mid ah oo ku doodayay in la soo akhristo lifaaqa wax ka badalka Madaxweynaha codayntana dib loo dhigo, ayaa garabka kale ee ku guulaystay codkii la qaaday ay ku muquuniyeen mudanayaasha ka soo horjeeday in la ansixiyo wax ka badalka lagu sameeyay astaamihii murashaxiinta.
Garabka ka dareeray codaynta ka hor madasha fadhiga oo tiradoodu ahayd 11 xubnood ayaa waxa kamid ahaa:-
1.         Mudane Ibraahim Axmed Haybe
2.         Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan dheere)
3.         Saleebaan Yuusuf Cali Koore
4.         Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi
5.         Maxamed Faarax Qabille
6.         Axmed Barkhad Obsiiye
7.         Mahdi Cabdillaahi Maxamuud
Xubnaha wakiilada ee iyagu ka codeeyay wax ka badalka xeerkaasi ee madasha fadhiga codkooda ku dhiibtay diidmada ayaa iyagana waxa ka mid ahaa:-
1.         Axmed Xasan Waysa cade
2.         Siciid Cartan Cismaan
3.         C/kariim aw Cali Shabeel
4.         Aadan Xaaji Diiriye Dirir
Kuwaas oo dhamaantood ahaa garabkii wakiilada ee ansixintii hore kaga guulaystay wakiilada muxaafidka in lanbaro lagu soo doorto murashixiinta golayaasha deegaanka, hase yeeshee garabka  wakiilada ee shalay ku guulaystay codkii lagu go’aamiyay in murashaxiinta lagu soo doorto lanbaro oo aqalabiyadoodu ka soo jeeday wakiilada xisbiga Kulmiye ee muxaafidka ah iyo wakiilada urur siyaasadeedka wadani oo inta badan isbahaysi hoose ka wada yeesha cod bixinta golaha wakiiladu uu ku meelmariyo xeerarka iyo mooshinada golaha hor yimaada ee xasaasiga ah, ayaa waxa ka mid ahaa 37-ka mudane ee codka gacan taaga ah kuansixiyay soo jeedinta Madaxweynaha:-
1 Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax.
2. Gudoomiye ku xigeenka 2aad Cali yuusuf Axmed.
3. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)
4. Maxamed Xaaji yuusuf Waabeeye
5. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise
6 Cumar Axmed Saleebaan
7. Cabdillaahi Xuseen Cige (Black)
8. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
9. Xamse Maxamed Gaada-weyne
10. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle
11. Maxamuud Axmed Obsiiye
12. Siciid Cali Rooble
13. Ibraahim Caraale Cabdi
14. Jaamac Xasan Aadan
15. Xaashi Xuseen Caabi
16. Faarax Maxamuud Cabdulle
17. Xasan Cawaale Caynaan
18. Cabdi Sheekh Ibraahim Aareeye
19. Cali Xaaji Maxamed Muuse
20. Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)
21. Siciid Maxamed Cilmi
22. C/qaadir Jaamac Xaamud
23. Cabdi Maxamed Aadan
24. Ibraahim Mahdi Buubaa
25. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
26. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
27. Axmed Maxamed Nuur
28. Abuubakar Cabdiraxmaan Good
29. Axmed Maxamed
30 Maxamed Saalax Cige
31. Xuseen Maxamed Cige
32 Aadan Tarabi Oogle
33. Maxamuud Dhinkaal Guutaale
34 Axmed Ducaale Bulaale
35. C/casiis Ismaaciil
Dhinaca kale gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo madasha fadhiga ka hadlay gabogabadii codaynta ayaa markii labaad komishanka doorashooyinka qaranka ugu baaqay inay si rasmiya u cayimaan maalinta ay doorashooyinka golayasha deegaanadu dalka ka qabsoomayaan, taas oo mudaynta doorashadu ay komishanka doorashooyinku ay in muddo ahba ku dhici lahaayeen inay cadeeyaan xilliga ay qabanayaan doorashooyinka deegaanka ee afarta jeer dib uga dhacday xilligii sharciyadu ay waajibisay.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: