05 August, 2012

Clinton oo la kulantay madaxda Somalia-BBC

Clinton oo la kulantay madaxda Somalia-BBC


Clinton Somalia

Xoghaya arrimaha debadda ee Maraykanka, Hilary Clinton, ayaa magaalada Nairobi kula kulantay saxiixayaasha Roadmap ee Somalia.

Hilary Clinton, shir albaabadu u xidhan yihiin ayay la yeelatay madaxd ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, afhayeenka baarlamaanka Shariif Hassan, iyo ra'iisalwasaaraha Abdiweli Ali Gaas.

Clinton waxay sheegtay inay ku qanacsan tahay ilaa hadda heerarka ay marayaan isbedellada laga wado Somalia, gaar ahaanna ansixinta dastuurka ku-meel-gaadhka ah, waxayna intaasi ku dartay in dawladda Maraykanku ay gacan ka geysan doonto dedaallada ku saabsan wax-ka-bedelka xaaladaha Somalia iyo sidii nabad waarta iyo deganaansho loo heli lahaa.

Madaxweynaha Somalia, Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, oo isna shir jaraaid qabtay, waxa uu sheegay inay uga warrameen Hilary Clinton xaaladaha Somalia iyo arrimaha siyaasadduba halka ay marayaan haatan iyo hawlihii dawladda TFG ay waddey ee ay culayska saartay, iyo sida ay uga go'an tahay in la soo afjaro oo laga gudbo xilliga ku-meel-gaadhka ah. Waxay kale oo madaxeynuhu uu beeniyey eedaymaha ku saabsan in dawladdiisu ay faragelin ku hayso soo-xulashada mudanayaasha baarlamaanka cusub iyo shirka magaalada Muqdishu ee ergooyinka.

Hilary Clinton Waxay waqtigaasi ka hor la kulantay Madaxda dalka Kenya oo ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal, in la qabto doorashooyin xaq ah oo xalaal ah kenya dhexdeeda, iyo gaar ahaan deganaanshaha gobolka iyo la-dagaallanka argagixisada. Waxay kale oo ay soo qaadeen ahmiyadda hawlgallada ciidamada nabad-ilaalinta ee Amisom ee Somalia iyo kaalinta Kenya.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: