16 July, 2012

WASIIRKA DUULISTA OO KA HADLAY LACAG LA SHEEGAY IN LAGU KORDHIYEY DADKA KA DHOOFA MADAARADA SOMALILAND

WASIIRKA DUULISTA OO KA HADLAY LACAG LA SHEEGAY IN LAGU KORDHIYEY DADKA KA DHOOFA MADAARADA SOMALILAND

Hargeysa -Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Md Maxamuud Xaashi oo maanta warbaahinta la hadlaayey ayaa ka hadlay lacago la sheegay inay wasaaraddiisu ku kordhisay dadka ka dhoofa madaarka.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya inay lacag ku kordhiyeen dadka ka soo dega ama ka dhoofa madaarada kala duwan ee somaliland.

Wasiirka oo ka hadlaayey arimahaas waxa uu yidhi

“lacagta la sheegay in aanu ku kordhinay waxba haba yaraatee ka jiraa ma jiraan, dadka in aanu ilaalino mooyeen waxba kuma kordhino”

Lacagtaas uu beeniyey wasiirku ayaa la sheegay inay ahayd $10 doolar oo dhanka baadhitaank ah

Wararkan oo ay maalmihii ugu danbeeyeen ay qoraayeen warbaahinta kala duwan ee Somaliland ayaa ah kuwo in badan ku soo noq noqday warbaahinta dalka.



Ibraahim Qaasim

Hargeysa-somaliland

Caynabanews-Office

Qaasin05@hotmail.com




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: