16 July, 2012

LABA CARUUR AH AYAA GEERIYOODAY KA DIB MARKII GURI AY KU JIREEN KU GUBTAY

LABA CARUUR AH AYAA GEERIYOODAY KA DIB MARKII GURI AY KU JIREEN KU GUBTAY




Hargeysa (CNN) waxa maanta magaalada Hargeysa ka dhacay dil sababay dhimashada laba caruura oo ku wada jiray aqal ku yaala xaafada Fakinka.

Labada caruura ee naftooda waayey ayaa la kala odhan jiray Cabdi Ciise Cabdiraxmaan oo ay da’diisu ahayd saddex jir iyo Muuna Cabdi Raxmaan Karoose oo ahayd lix jir.
Caruurta oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka itoobiya waxay ka mid ahaayeen dadka qaxootiga ah ee ku dhaqan Hargeysa.

Cisbitaalka magaalada Hargeysa ayaa la geeyey meydka labada caruura oo uu mid dhaawac ahaa, isaga oo aakhirkiina halkaas ku geeriyooday.

Ilaa hada ma cada sababta keentay gubashada aqalka ay ku jireen labada caruuri, waxaana ilaa hada baadhitaan ku wada ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa.

Caruurta yar yar ku gubtay guriga ayaa looga shaki qabaa inay cid gaari gubtay, kuwaas oo hooyada dhashay ay ka tahriibtay dalka

Khaaid Xasan Axmed

Hargeysa-Somaliland




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: