06 July, 2012

Laba nin oo gaadhi jiidhsiiyay Xeer Ilaaliyaha Gobolka iyo garsoore Dacwado muhiim ah hayay

Laba nin oo gaadhi jiidhsiiyay Xeer Ilaaliyaha Gobolka iyo garsoore Dacwado muhiim ah hayay

Cismaan Fanax iyo Yuusuf San-jeex oo dhaawacyo fududi ka soo gaadheen Jugtii gaadhiga  lala beegsaday

Hargeysa(Waaheen) laba Nin oo wata gaadhi Tagsi ah ayaa doraad ku weeraray Maxkamadda Gobolka Hargeysa horteeda Garsoore Cismaan  Ibraahim Daahir(Fanax)  iyo Xeer Ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex  Yuusuf Sh C/laahi Kaahin (Sanjeex), kuwaasoo marayay inta u dhaxaysa Maxkamadda Gobolka iyo Xeer ilaalinta dhexdooda.

Labada nin ayaa la sheegay inay dhaafeen markii hore Garsooraha iyo Xeer Ilaaliyaha oo marayay wadada u dhaxaysa Maxkamadda Gobolka iyo Xeer ilaalinta balse isla markiiba inta ay dib u soo qaadeen gaadhigii ay wateen ayay la beegsadeen oo ay ku dhufteen iyagoo iska baraad la'

Ciidamadda Booliiska Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa labada Nin iyo gaadhigiiba goobtii ku qabtay kadib markii ay jiidhsiiyeen Garsooraha iyo Xeer Ilaaliyaha oo markaas ka soo talaabayay dhinaca Xafiiska Xeer ilaalinta iyagoo u talaabayay dhinaca Maxkamadda Gobolka.

Ilaa hada si rasmi ah looma oga labada nin sababta ay u jiidhsiinayeen Garsooraha iyo Xeer ilaaliyaha Gaadhiga, hase yeeshee waxa isla markiiba loo dhaadhiciyay dhinaca Xarunta Baadhista Danbiyadda ee CID-da halkaas oo isla markii danbe looga qaaday dhinaca Jeelka weyn ee Hargeysa.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska ee dhacdadan baadhaya oo ka gaabsaday magaciisa  ayaa Waaheen u sheegay mar ay wax ka weydiisay dhacdadan in ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan nimankaasi " ka hor dhici mayno dhacdadaasi hase yeeshee baadhid baa ku socota labada nin ba ilaa hadana ma cada sababta ay ula beegsadeen falkaasi labada masuul" ayuu yidhi

Waxaanu intaa ku daray mar la weydiiyay khasaaraha ay qabaan Garsoore Cismaan Fanax iyo Xeer Ilaaliye Yuusuf Sanjeex  waxa uu ku jawaabay " labaduba dhaawac way qabaan hasii kala cuslaadaane laakiin wali baadhis baa socota oo waa la ogaan doonaa waxay qabaan intase aan kuu sheegi karaa waa Misgaha Jilbaha iyo Feedhaha sida muuqata" ayuu yidhi

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee lala beegsado Bahda Cadaaladda gaar ahaana Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka ee gacanta ku haya labada kiis ee ugu hadal haynta badnaa shantii bilood ee ugu danbeeyay oo kala ahaa Kiiskii Kooxdii masuuliyiinta Xukuumadda ahayd ee loo xukumay Raashinkii Mucaawinada ahaa ee la lunsaday oo uu gacanta ku hayay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka C/rashiid Duraan.

Halka Garsooraha iyo Xeer Ilaaliyaha Gobolka ee gaadhiga la Jiidhsiiyay ay gacanta kaga hayaan Kiisas dhawr ah oo uu ka mid yahay ka Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo imika gabogabo ah isla markaana la sugayo inay Maxkamaddu ku dhawaaqdo, hase yeeshee si rasmi ah looma oga Kooxdan weerartay labada masuul  Kiiska kaga jira Maxkamadda ee ay weerarkaasi u fuliyeen.

No comments: