06 July, 2012

Faysal Cali Waraabe Oo Wargeyska Haatuf Ku Eedeeyey Qabyaalad Iyo Qaad, Sheegay-na Inuu Maxkamad Horgayn Doono

Faysal Cali Waraabe Oo Wargeyska Haatuf Ku Eedeeyey Qabyaalad Iyo Qaad, Sheegay-na Inuu Maxkamad Horgayn Doono

HAATUF


"Jaraa'id Hore Ayaan Hayaa Oo Yuusuf Gaboobe Igu Aflagaadeeyey Mar Aan Ka Hadlayey Cable-Ka Shirkadda Somcable Oo Aan Idhi Bahalka Berbera Ha La Keeno Oo Ha Laga Daayo Djibouti"

"Wixii Aan Reerkooda Ahayn Waxay Doonaan Ayey Ka Qoraan, Masuuliyiinta Reerkooda-Na Hadii Ay Aduunka Kharibaan Waxba Kama Qoraan, Waa In Qabiil Waliba Jaraa'id Uu Ku Caytamo Samaysto"

"Waa In Dacwadan Haatuf Digniin U Noqotaa Warbaahinta Kale Ee Somaliland, Hadii Aan La Iska Qaban Ciyaalka Qaadka Cuna Ee Dadka Reer Ahaanta U Caayaya Waxba Ma Nihin"

Hargeysa, July 5, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu Wargeyska Haatuf horgayn doono Maxkamad, isaga oo ku eedeeyey inay ku dhaqmaan Qabyaalad, isla markaana ay Suxufiyiinta Wargeyskaasi ka hawlgalaa ku dhaliilay inay Qaadka cunaan.

Faysal waxa uu sheegay in Haatuf uu War lagu aflagaadaynayo isaga uu qoray, kaas oo ku baaqay in beel waliba furato Jaraa'id ay ku caytanto, waxaanu sidoo kale xusay in mar uu ka hadlay Xadhiga Isgaadhsiinta Fiber Optic ee shirkadda Somcable oo uu ku baaqay in Berbera la soo mariyo in Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe uu Warbixin uu ku difaacayey Somcable ku aflagaadeeyey isaga.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale Wargeysyo uu ka mid yahay Haatuf ku eedeeyey inay si qabyaaladaysan dadka wax uga qoraan, kaas oo ku dooday inay isaga si gaar u bartilmaameedsadeen, mar walbana ay warar ka dhan ah ka qoraan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidaasi ku sheegay Jaraa'id oo uu warbaahinta u qabtay oo aan Haatuf lagu martiqaadin, waxaanu yidhi "Waxa Cadaatay in Jaraa'idkeenu dhamaantood yihiin Jaraa'id Qabaa'il ku fadhiya, hadaba Jaraa'idadu way is dhaamaane wixii aan reerkooda ahayn waxay doonaan ayey ka qoraan, kuwa reerkooda Masuuliyiinta ahina hadii ay aduunka kharibaan waxba kama qoraan, waana in Qabiil waliba Jaraa'id uu ku caytamo samaysto".

Faysal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa intaas raaciyey "Halkaas waxa taala oo aan 6 bilood ka hor-na u sheegay Yuusuf Gaboobe oo ay si khaas ah ii caayeen Nimankaas Haatuf, maanta-na waxay qoreen $1.5 ayuu Jamaal ku bixinayaa oo ku iibsanayaa Xisbiga, markaa waxaanu doonaynaa inaanu arintaas Maxkamadda la cuskano, hadii aan la iska Qaban Ciyaalka Qaadka cuna ee dadka reer ahaanta u caayaya wax walba waynu arki.

Markaa waxaanu jecel nahay in dacwadani ay Warbaahinta kale digniin u noqoto, markaa arinkaa Maxkamada ayaan gaynayaa oo aan ka doonayaa waxay sharaftayda ku dileen".

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey aflagaado uu kala kulmay Guddoomiyaha Haatuf Media Network, waxa uu yidhi "Jaraa'id hore-na waan hayaa oo uu Yuusuf Gaboobe ka hadlayey Cable-kii Shirkadda Somcable ee aan lahaa waar bahalka Berbera ha la keeno ee ka daaya Djibouti, markaasna waxa la igu aflagaadeeyey Cable-kaas, maanta-na waxa la igu aflagaadeeyey ninka Jamaal ee la yidhi waxa uu damacsan yahay inuu ku soo biiro Xisbiga, markaa waxaan doonayaa inaan sharciga u maro dacwadaas oo aan aniga la ii samaysan Jaraa'id la igu caayo".

No comments: