Xisbiga Kulmiye oo Soo dhaweeyay Musharax u Taagan Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Weedhihii Masuuliyiinta.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi "Waxaan marka hore u mahad naqayaa taageerayaashan
Hargeysa (GNS)-Xisbiga kulmiye oo Munaasabad u Sameeyay Musharax u taagan Taratanka Doorashooyinka Golahayaasha Deegaanka Xaflada lagu Qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga kulmiye Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi "Waxaan marka hore u mahad naqayaa taageerayaashan faraha badan ee halkan iskugu yimid iyaga oo galbinaya Murashaxa Axmed Daahir Axmed oo aan ugu hambalyeynayo hamigiisa iyo dadaalka uu waligii ugu soo jiray xisbiga Kulmiye mudada dheer, waxaananu xisbi ahaan aad u soo dhawaynaynaa Musharaxnimada Mujaahid Axmed Daahir Axmed oo aan u rajaynayo inuu ku guulaysto doorashada deegaanka ee inagu soo socota oo uu xisbiga uga qaybgali doono Hargysa. mida kale deegaankan maanta galbinaya Mujaahid Axmed Daahir oo noqonaya deegaanka Faro-wayne waxaan leeyahay oo aanu shacbigaas ka doonaynaa inay kaalintii ay halgankii dalka ka galeen ee la wada ogaa ay maanta-na ka galaan halganka dimuqraadiyada iyo horumarinta dalka ee uu hogaaminayo xisbiga Kulmiye. Iyada oo taariikhda mar walba la xusi karo waxa hubaal ah in Somaliland halganka soo wada gashay balse waxaan doonayaa inaan soo bandhigo dhawr qodob oo u gaar ah deegaankaas aynu soo sheegnay, ka koowaad waxa uu ahaa waxaad noqoteen deegaanka kaliya ee Jabhad hubaysan oo 150 nin kor u dhaafaya oo maalin kaliya ku soo xoogsaday xisbiga Kulmiye oo noqday Seeskii ugu horeeyey ee ciidankii Gaaska Cadaa ee uu hogaaminayey Alle ha u naxariistee Jaamac Cumar Jaamac (Cumar Daacad), arimahaasina waxay cadaynayaan guusha taariikhada SNM ku suntan ee aad lahaydeen. Mida kale deegaanka Faro-wayne waa deegaanka kaliya ee 201 qof oo rayid ah oo aan hubaysneyn oo beelo dhan oo maalin kaliya lagaga laayey ee ay Hargeysa kaga dhinteen markii ciidamadii Dhargiga ee Mingeste ay ku soo hogaaminayeen cadawga SNM beelo degan inta u dhaxaysa Harta Sheekha iyo Xarshin, halkaas oo dhagta dhiiga loogu daray Laba Boqol iyo Kaw qof oo beelaha deegaankaas dega ka mid ah 14-kii iyo 15-kii May 1987-kii lagu xasuuqay oo maalintaas adag ninkii joogay wuu joogay, wakhtigaas galabtii 16-kii May ayaan ka baxay Dabayl-wayne iyo Qabri-bayax oo C/laahi Ciise nin la odhan jiray baabuur uu lahaa oo bilaa biriig ah ayaan kaxaystay markaas ayaan Axmed Siilaanyo oo guddoomiye ahaa iyo Alle ha u naxariistee Aadan Shiine ayaan u tagay oo aan soo toosiyey, isla aroortaas ayaanu u tagnay General Obore si dadka looga joojiyo xasuuqa oo aanay ahayn cadaw soo galay. Markaa waxaan leeyahay dadka deegaankaas mar hadii aad hawshaa adag u soo gasheen halganka u gala dimuqraadiyada iyo horumarka wadankana".
Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid "Waxaan ugu horayn jeclahay inaan halkan ka xuso fal aad u fool xun oo xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa, falkaas oo lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa oo hada dhaawac ah, isla markaana aan wali la ogaanin cidii dhaawacday, run ahaantii falkaas Xisbi ahaan aad iyo aad ayaanu cambaaraynaynaa, waxaananu shacbiga Somaliland ku boorinaynaa inay wada ilaashadaan Amnigooda. Sida aynu warka ku hayno Guddoomiyaha waxa rasaas lagu weeraray isaga oo ka soo baxay Salaadii Subax, falkaasina run ahaantii waxa uu ahaa mid aad u fool xun oo Xisbiga Kulmiye si rasmi ah u cambaaraynayo xaqiiqdiina waa dhaqan aad u fool xun oo inagu soo kordhay in qof Muslim ah oo Salaadii ka soo baxay la toogto, waana arimihii aynu inta badan uga barangay oo aynu inta badan ka maqli jirnay Soomaaliya iyo Koonfurtaas in qof Masaajid ka soo baxay la toogto, markaa arimaha noocaas oo kale ah ee amnigeena waxyeelaya waxaan bulshada ku boorinayaa inay iska jiraan, waxaananu hay'adaha amniga ee ku shaqada leh ugu baaqaynaa in si taxadir leh oo masuuliyadi ku jirto loo baadho arintaas".
Xasan Siciid isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya taageerayaal xisbigooda ku soo biiray, waxa uu yidhi "Waxa kale oo aan jeclahay aniga oo fursadan kaga faa'idaysanaya inaan soo dhaweeyo oo aan u mahad celiyo Masuuliyiinta ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ee ka soo kala baxay xisbiga UDUB iyo Ururka UMMADA, waxaanan leeyahay aad iyo aad ayaanu idiin soo dhawaynaynaa. Intaa hadii aan soo dhawayntaas hore kaga baxo waxaan hadana aad u soo dhawaynaa oo aan u hambalyeynayaa Musharaxa cusub ee doorashada golaha deegaanka xisbiga uga tartami doona Hargeysa oo uu u sharaxan yahay Mujaahid Axmed Daahir Axmed oo ah nin dhalinyaro ah oo ah midhihii xisbiga oo ahna nin qaaliya oo ah beedkii uu dilaaciyey xisbiga Kulmiye ee kuna soo barbaaray, waxaanan leeyahay Musharaxan macquulka ah ee Mujaahid Axmed Daahir ".
Musharaxa doorashada deegaanka ee xisbiga Kulmiye ee Hargaysa Mujaahid Axmed Daahir Axmed "Waxaan ugu horayn halkan uga mahad celinayaa Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, Garabka Haweenka ee xisbiga, Xildhibaanada iyo Dadwaynaha faraha badan ee halkan iskugu yimid. Mar labaad Waxa sharaf ii ah madashan quruxda badan ee aynu iskugu nimid ee Ilaahay inagu simay isagaa Mahad lehe, mida kale run ahaantii Madaxtinimadu maaha ta aad adigu doorato ee waa ta laguu dooro, beeshayda iyo beelaha kale ee reer Somaliland ee I hambalyeynayaba waan ka gudoomay, waxaanan u sheegayaa beeshayda iyo Xisbigaygaba inaanan anigu ahayn nin ee aan ahay Nimanyaal, sidaas waxaan u leeyahay waxaan haystaa taageerada beeshayda oo waxaan haystaa oo waxaan haystaa taageerada dhalinyarada iyo taageerada golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo aan cod ka doonayo, waxaan haystaa taageerada muruq-maalka iyo Maskax-maalka oo aan ka mid ahay. Waxa kale oo aan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Xildhibaan Ismaaciil Caymis oo ah run ahaantii nin sharaf leh oo qiimo leh, waxaanan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu iigu soo dhaweeyey halkan, maalintii hore ee aanu isaga dooranaynayna waan ka hadhay anigu oo waxaan idhi waar aniga iga daaya waayo waxaan is lahaa qaangaadh ma ihi, maantase waxa ii muuqata inaan wax hogaamin karo oo wakhtigeedii aan jooga oo aan wax hogaamin karo".
Dhinaca kale waxa madashaas lagu soo dhawaynayey Musharxnimada Mujaahid Axmed Daahir Axmed oo xisbiga Kulmiye ugu ordi doona doorashada deegaanka Hargeysa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga Kulmiye Khadar Cabdi Xuseen, Guddoomiyaha garabka haweenka ee gobolka Maroodi Jeex Marwo Xusni Maxamed Warsame, Xidhibaan Ismaaciil Caymis, Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Aadami), Guddoomiyaha garabka haweenka ee heer Qaran Marwo Marwo Canab Cumar Ileeye, Agaasimaha Samo-falka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamed Diiriye, Xildhibaan Axmed Wayne iyo Cuqaal. Kuwaas oo dhamaantood soo wada dhaweeyey Musharaxnimada Mujaahid Axmed Daahir, isla markaana sheegay inay diyaar u yihiin taageeradiisa.
Gabiley News Desk
Hargeysa Somaliland
Contactgabiley@yahoo.com
--
Ahmed Hassan Arwo
No comments:
Post a Comment