05 June, 2012

Xildhibaan Indho-indho oo ku Eedeeyey Golaha Wasiiradda Inay la Wareegeen Hawshii Guurtida

Xildhibaan Indho-indho oo ku Eedeeyey Golaha Wasiiradda Inay la Wareegeen Hawshii Guurtida

Hargeysa (Jam)- Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu dhegay dhegaha ka furaysatay tabashooyinka shacabka gobollada bari, markaana golaha wasiirradu la wareegeen shaqadii Guurtidu ummadda u hayeen.

Md. Indho-indho oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa dhinaca kalena Madaxweynaha Somaliland raalligelin iyo xaal ka siiyey hadallo dhaliilo ah oo uu hore ugu jeediyey.

Waxa kaloo uu xildhibaanku u soo jeediyey xukuumadda inay ka waantowdo in marka la dhaliilo ay qof kaloon ka tirsanayn ku tidhaa u jawaab, isagoo tusaale u soo qaatay mudane ka tirsan Golaha Guurtida (Dheeg) oo uu sheegay inuu xukuumadda lacag kaga qaatay difaaca dhaliilaha uu xaalka ka bixiyey oo uu dhowaan u jeediyey.

“Madaxweynel hadalladii aan kuu soo jeediyey ee ahaa tabashooyinka gobollada bariga, gaar ahaan baahiyaadkooda aasaasiga ah iyo jagooyinka dawladda haddaad xumaan u aragtay waan kaa raalligelinaya, xaal baanan kaa siinayaa. Waxba xildhibaan Dheeg iyo qaar la mid ah lacag ha iska siin intay aniga ii jawaabayaan.

Tallaabo kastoo nabadayn ah oonnu is nidhaa wax ka qabta golahaagii wasiirrada ayaa nagu haysta.”

Xildhibaanku waxa uu intaa ku daray in masuuliyiinta beeshooda ka soo jeeda ee ka tirsan maamulka Puntland la buunbuuniyo, halka kuwa Somaliland-na aanay u tirsanayn oo dabar lagu xidho, waxaannu xukuumadda si weyn ugu dhaliilay weftiga uu ka hadhay Wasiirka Hawlaha Guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade ee Somaliland uga qaybgalay shirkii Turkiga.

Md. Indho-indho waxa uu xusay in shaqsiyaadka maamulka Puntland shirkii Istanbul ay ku dhoofeen bilaa basaboor, balse masuuliyiinta Somaliland ee beelaha gobollada bari loo diiday inay basaboorka Somaliland kaga qaybgalaan shirkaas, waxaannu ugu Golaha Guurtida ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan oo xilka ummaddu u igmatay si wanaagsan u gutaan.





http://samotalis.blogspot.com/

No comments: