05 June, 2012

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Eedo Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Dheeg,

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Eedo Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Dheeg,

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Eedo Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Dheeg, Mar Kalena Soo Bandhigay Tabashada Beeshiisa.

Hargeysa ( Ramaasnews )- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) ayaa maanta si adag uga jawaabay eedaymo uu maalintii shalay xildhibaan ay ka wada tirsan yihiin golaha Guurtida Maxamuud Maxamed Yaasiin(Dheeg) u jeediyay.


Xildhibaanka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay hotel-ka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, waxa uu hadalka ka soo yeedhay xildhibaan kale ku tilmaamay in ahaa mid xukuumada u xaglinayay, isla markaana kharash badan lagu bixiyay si uu jawaab aan loo miidaan dayin loola marin habaabiyo bulshada uga bixiyo wareysiyo uu warbaahinta qaar siiyay oo kaga hadlayay tabshada beesha uu ka soo jeeda ee degta gobolka Bariga ee dalka.

"Waxa aan umalaynaa in hadalkayii runta ahaa xukuumadu ka xanaaqay oo Dheeg (xildhibaanka) loo soo kiraystay dee waxaan garan waayay goorta uu noqday af-hayeenka dawlada wixii aan ka hadlayna kamuu hadale, dadka Laascaanood joogaa waxa ka cabanayaan maamulkii iyo dawladii way joogtaaye kuraasta wax ka sii kuraasta aad Madaxweyne reerkiina siisay reerkayaga wax ka sii hadday tii ceeb noqotay dee anaaba Madaxweynaha xaal siinaya , waxa aan leeyahay Madaxweyne mid dambe lacag ha iska siin , qof meel soo fadhiista oo waxa uu ka hadlayo aanla garanayn looma baahna" ayuu yidhi xildhibaan Indho-Indho.

Waxa kale uu ka hadlay saamiga kuraasta sare ee maamulka oo uu sheegay in laga suuliyay beesha uu dhalsho aan ka soo jeeda.

"Hadda kuraastii ugu saraysay dalka waanu ka maqanahay kii baarlamaanka ee aynu haysanay ayaa nalaga qaaday,kii maxkamada ee aanu haynay ayaa nalaga qaaday,kii arrimaha dibeda ee Fagadhe hayni jiray ayaa nalaga qaaday kii Cadami hayn jiray nalaga qaaday, kii odayga Gacan joogi jiray,kii uu Gees joogi jiray ee maaliyada ayaa nalaga qaaday, waarnaba kama muuqano waa qabyaalada imikaanu leenahay".

Hadalka Mudahan ayaa ku soo beegmaya xilli cirka isku shareertay tabashada saami qaybsiga ee beelaha darafyada tirsanayaan, iyada oo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo sii hurisay cabashooyinka soo jiitamayay muddo dheer.


Ramaasnews




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: