17 June, 2012

War saxaafadeedkan oo xoghaya guud ee gudida Dan iyo Duco ku beeninnayo warar lagu baahiyay Warbaahinta kala duwan

Warsaxaafeed kaoo baxay gudida Dan iyo Duco

War saxaafadeedkan oo xoghaya guud ee gudida Dan iyo Duco ku beeninnayo warar lagu baahiyay Warbaahinta kala duwan

GUDDIDA HARUMARINTA EE DAN IYO DUCO 

Ref. D&D/B/013/2012 
WARSAXAAFADEED 

UJ:- BEENIN WAR KUSOO BAXAY BERBERA-NEWS, SAXAFI, SAXANSAXO. 
Waxaan halkan ku beeninayaa war kusoo baxay website-yada iyo Jornaalada kor ku xusan shalay oo ku taariikhaysan 15/06/2012 kuna saabsanaa soo afjarida khilaafkii wershada sibidhka berbera, waa siday hadalka u dhigeene. 

Waxaan halkan ku cadaynayaa in warkaas kor ku xusani yahay been abuur & waxba kama jiraan, mana jiro heshiis rasmi ah oo laga gaadhay qaybinta saamiyada wershada sibidhka Berbera ilaa hada, waxaan u aragnaa warkaas mid lagu doc-wareemayo guddi ku hawlan qaybinta saamiyada (shares-ka) shirkadaha iyo ganacsatada reer Somaliland oo dawladuna ka war qabto guddidaas hawsha gacanta ku haysa. 

Ma jirto wax gaar loogu qoondeeyay Shirkada MSG iyo Mulkiilaha shirkadaas Ganacsade Max'd Siciid Geedi iyo Ganacsadahaa reer Kuwait iyo Harumarinta Gobolka saaxil toona. 

Waxaan bulshada reer Somaliland u kala cadaynayaa inaan laysku khaldin Guddida (Board-ka) Berbera Cement Factory oo ka kooban dhamaan ganacsatada reer Somaliland ahna shirkada kicin doonta wersheda sibidhka Berbera iyo Guddida harumarinta ee DAN iyo DUCO oo ah guddidii ay Beelaha Ciise Muuse kusoo doorteen shirkii DUBUR una xil saran harumarinta deegaanada beeshu degto, Waana laba Guddi oo kala madax banaan, hadaba Guddida sare ee DAN iyo DUCO in lagu shaabadeeyo wersheda sibidhka waa gaf iyo jaahwareerin la jaah wareerinayo Bulshada reer Somaliland. 
Waxaan kusoo gebagebaynayaa warkaas been abuurka ah Saxaafadii qortay waxa looga fadhiyaa inay cadeeyaan ilaha xog-ogaalka ah ee ay kasoo xigteen. 

ABDIRASHID MOH'D H. YUSUF 
XOGAHAYA GUUD EE GUDDIDA DAN IYO DUCO

No comments: