27 June, 2012

War Deg-deg ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka u Baxay Imaaraadka Carabta Oo la kulmi doona Sheekh Shariif Iyo Weftigii Somaliland Ee Ka Qayb Galay Shirka London Oo dalkaasi Gaadhay

War Deg-deg ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka u Baxay Imaaraadka Carabta Oo la kulmi doona Sheekh Shariif Iyo Weftigii Somaliland Ee Ka Qayb Galay Shirka London Oo dalkaasi Gaadhay
“Labadda madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia oo khamiista ku kulmaya dalka Imaaraadka Carabta iyo aragtiyo aad u kala fog oo ay kala aaminsan yihiin”

Hargeysa (GNS)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo oo uu ku jirto madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Saaka dalka ka ambabaxay, Waftigan oo ka Duulaya Madaarka Berbera ayaa ka qayb gali doonaan kulan ay labada madaxweyne ku yeelanayaan wadanka Imaaraadka Carabta, kaasi oo lagaga wada hadli doono mustaqbalka labada wadan ee Somaliland iyo Somaliya. 
Wada hadaladan oo ah wejigii labaad oo kulamada labada dhinac, ayaa la filayaa in ay noqdaan qaar adag oo dhinac walba uu ku soo bandhi doono aragtidiisa siyaasadeed, taasi oo wejigii koowaad ee shirkan lagu soo gabo gabeeyey magalada London, iyada oo ay ka soo baxeen qodobo aan si toos ah u taabanayn qadiyada ay wateen labada dal. 
Shirka ay yeelanayaan labada Madaxweyne oo ay ka timid qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan ka qabsoomay wadanka Ingiriiska, waxaana la filayaa in maalinta Khamiista uu dhaco kulanka dhex maraya labada geesood. 
Weftiga ka socda Somaliland ayaa shirka ku soo bandhigaya sida ay shacabkooddu uga go’antahay gooni isku taagga iyo madaxbanaanidoodda, halka madaxweyne sheekh shariifna uu ku doodayo in aanay marnaba kala gu’karin dalkii hore loo odhan jiray Somalia, waana qodobka ugu adag ee laga doodi doono, kaas oo laga yaabo inay midkoobna ka soo dabci karin qadiyadoodda. 

Xubnaha Weftigii Somaliland uga qayb Galay Shirkii London Oo Imaaraadka Ku Sugan, Madaxweyne Shariif-ka Soomaaliya oo dalkaasi gaadhay iyo Madaxweynaha Somaliland oo la filayo in uu maanta u kicitimo Dubai, iyadoo loo soo dirayo diyaarad khaas ah oo uu ku taggo dalkaasi, si labadda madaxweyne ay maalinimadda khamiista ugu kulmaan imaaraadka,maadaama oo uu hore usii tagay madaxweyne sheekh SHariif. 
Sidoo kale, Xubnaha Weftigii Somaliland u qayb galay shirkii wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa maalintii Isniintii ka soo kicitimay xarunta Dalka Ingiriiska ee London oo uu ka dhacay shirkii hordhaca u ahaa wada hadalada Somaliland iyo Somalia. 

Xubnaha weftigan oo ka koobnaa 5 xubnood oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somalialnd Dr. Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqaalaha Maxamuud Maxamed Barre (Garaad), Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax. 

Weftigan oo hore uga soo qayb galay shirkii hordhaca u ahaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan shirka ay iskugu imanayaan labada madaxweyne. 
Dhinaca Kale wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somaliya Sh. Shariif Sh. Axmed oo uu weheliyo Wasiirkiisa arrimaha dibada Cabdilaahi X. Xasan ayaa ka ambabaxay maalintii Isniin-tii magaalada Muqdisho, safar shaqana ku tagay dalka Itoobiya, halkaas oo shir ay ku yeesheen Sheekh Shariif iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya Meles Sanawi, waxaana uu shalay ka soo anbabaxay Itoobiya, isagoo hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta. 

Si kastaba ha ahaatee, shirkan la filayo in maalinta Khamiista uu ka dhaco wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu noqonayaa wejigii labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, taasi oo ajandayaasha labada dhinac wataaan aanay u muuqdaan qaar aan lahayn indho uu dhinacba dhinaca kale uga tanaasuli karo, maadaama oo dhinaca Somaliland qadiyadeedu ka soo go’day shacab, oo aan marnaba yeeli karin midnimo dambe, halka Dawladda taagta daran ee Sh. Shariif-na aanay u ekayn mid go’aankeedu u muuqdo inay Somaliland siiyaan aqoonsi buuxa. 

Haseyeeshee, kulankan ay labadda dhinac yeelanayaan ayaa waxa dibadda ka riixaya dawladda Ingiriiska,kuwaas oo horena guddiddii gogol xaadhka ee ugu horeeyey ee labadda geesood ku yeeshaan ay dawladda Ingiriisku ay gogosha u dhigeen, kaas oo ay ka soo baxeen sideed qodob oo isku afgarteen inay hordhac u noqotay kulanka labadda madaxweyne. 

Ilaa hadda lama garan karo ujeedadda ay dawladda Ingiriisku u dadajinayso wada hadal dhexmara Somaliland iyo Somalia, iyadoo muddo konton maalmood u hadhsan tahay dawladda sheekh shariif,isla markaana isbedel ku dhici karo maamulka sheekh sharii.f maadaama oo doorasho madaxweyne ay gali doonaan dalkaasi Somalia August 20keedda ee isla sanadkan. 

Mustafe Future 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa Somaliland 
contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: