Xildhibaan Siciid Elmi Rooble oo laga soo doortay gobolka saaxil kana tirsan xisbiga kulmiye ayaa hadaladii uu ku hadlay waxay ka markhaati kacayaan in
ninkaasi ka mid yahay raga xilalka ka haya dalka ee xaalad abuurka qabyaaladaysan ku shaqaysta.
Waxaa lagama maarmaan noqon weydey in xaqiiqada iyo runta laga sheego ninkan cunsiriga ah. Waa maxay sifaha ay ku kala duwan yihiin xildhibaankan iyo dadka shacabka ah ee TVyada ka hadla iyagoo qabyaalad iyo wax daran ka hadlaya, aniga iyo bulshada inteeda badani waxaanu is weydiinayna meeyey shrcigii qaban lahaa ninka xildhibaanka ah ee cunsirinimada iyo qalaalase aan loo baahnayn umada ku soo dhex tuuraya. Dawladaha horumaray sharcigaas wuu ka jiraa oo waxaa la yidhaahda “Discimination” oo ah inad dadka u kala saarto reer ahaan , diin ahaan, midab ahaan iwm. Discrimantionku kuma koobna midabka oo keliya , ee waxaa ugu xun ka isir raaca ah , waana ka ugu badan ee dalkeena naafeeyey, waxaad arkaysa nin weyn oo meel isla soo taagaya reer hebel hadaanu nahay. Waxaynu marayna meel aad uga hoosaysa meeshi diinteenu sheegtay.
Hadaba waxaa wax laga naxo ah marka nin xildhibaan sheeganaya intuu soo fadhiisto ku hadlo wax laga yaqyaqsoodo, waa ninka wax ka deyey habel baa hebl nebcaa , waxay la gashay xitaa dad maanta inaga hooseeya oo ay tahay in hadii la soo qaado lagu soo qaado wax khayr leh. Waxaanu leenahay Ina Cilmi Rooble ilaahaagi ku abuurtay denbi dhaaf weydiiso, adiga uun baa wax is yeelay , umaduna horeba waa kuu taqaanay.
Dhacdooyinki gobolka saaxil ka socday mudooyinki danbe iyo kicintii shacabka reer Saaxil , maanu filayn inaad danbaysiiso Saleebaan baa Marxuum Cigaal nebcaa iyo arimo la fahmayo waxaad uga jeedo.
Waxaan u soo jeedinayna masuuliinta xisbiga Kulmiye inay cadaalada dib u eegaan oo ay mariyaan Siciid Elmi Rooble iyo Rayte halkii la mariyey G. labaad ee xisbifga mudane Abdirahman Abdi qaadir oo ay anshax marin ku qaadan.
Ali Jama
Somaliland ha noolaato
FIIRO GAARA ANAGA KAMA MASUUL NIHIN ARAGTIDA SHACABKA
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment