08 June, 2012

Ra’iisal-wasaaraha Somaaliya Iyo Faroole oo Isu Xulafaystay Xilka Qaadista Haweenay SL.U Dhalatay

Ra’iisal-wasaaraha Somaaliya Iyo Faroole oo Isu Xulafaystay Xilka Qaadista Haweenay SL.U Dhalatay

Ra’iisal-wasaaraha Somaaliya Iyo Faroole oo Isu Xulafaystay Xilka Qaadista HaweenaySomaliland u Dhalatay

Hargeysa(YOOL)-Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Maqaar-saarka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Ali Gaas iyo hoggaamiyaha Majeerteeniya Md. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa ku guulaystay inay shaqada ka fadhiisiyaan Madaxii Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Safiya Cali ka dib markii ay markii qoraalo is-daba joog ah oo ay kaga cabanayaan marwadaa marar dhawr ah u direen Mahiga tan iyo markii ay soo af-baxeen hadal haynta wada hadalo dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland.

Marwo Safiya Cali oo ah haweenay dhalasho ahaan ku abtirsata Beelaha ku dhaqan Somaliland, ayaa sida Wargeyska Yool ay u xaqiijiyeen diblumaasiyiin la socday hawsha xilka ka qaadisteeda, waxa masuul ee isku haybta suul-daaro uga dhigeen in joogisteeda Xafiisku khatar ku tahay Siyaasadahooga madhalayska ah iyo danahooda shakhsiyadeed ee kaga xidhan Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa iluhu tibaaxeen in labada hoggaamiye marar badan Ambassador Augustine Mahiga ay af iyo qoraal uga sheegeen in Marwo Safiyi Xogaha Xafiiska si qarsoodiya ugu gudbiso Masuuliyiinta Somaliland isla markaana ay si taxane ah ula socodsiiso dhacdooyinka ku saabsan hawlaha Soomaaliya ama Somaliland.

Waxa wararku intaa ku dareen in labada masuul rasmi ah ugu guuleysteen qorshihii ay xafiiska kaga saari lahaayeen Safiya Cali 24-kii bishii May ee aynu kasoo gudubnay ka dib markii hoggaamiyaha Majeerteeniya shaqo ka eriga Inan uu ku ladhay xujooyinkii uu ku dabray ka qaybgalka Shirkii Istanbul, kuwaasoo aakhirkii markii Maamulkii iyo Mahiga ka aqbaleen badidooda uu tegay Shirkii. Geesta kale waxa ilaha qaarkood tibaaxeen Mawqifka Faroole ee arrintan uu si rasmi ah u midho-dhalay ka dib markii Cabdiweli Gaas isla waqtigaa uu qoraal iyo hadal uu ku xoojinayo dalabka Faroole Mahiga.

Safiya Cali oo Wargesku isku dayey in uu la xidhiidho, si uu tafaasiil uga weydiiyo arrintan ayaan suurtogelin.

Dhinaca kale warar aanu ka helnay ilo ku dhowdhaw Xafiiska Sheekh Shariif ayaa sheegaya in Md. Sh. Shariif aanu ka madhnayn shirqoolka lagu eryey Madaxii Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxana wararku xuseen jiritaanka qoraal xoojin u ah Madaxda isku haybta ah ee eriga Safiya Cali, kaasoo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Madaxda ka ah Dawlada gacan-ku-rimiska ah ee Villa Somalia.

Yool


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: