08 June, 2012

Anshax-Marinta KULMIYE Ma Cid Gaar ah Ayuu Qabtaa Mise…”

Anshax-Marinta KULMIYE Ma Cid Gaar ah Ayuu Qabtaa Mise…” 

Guddoomiye Xigeenka KULMIYE ee Togdheer

Hargeysa(YOOL)-Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, Maxamuud Salaan Faroole ayaa Saluug hoggaankoodu u hago xisbiga qaabka uu u dabaqo Xeer-hoosaadka KULMIYE, waxana uu ugu baaqay inuu Xubnaha kala duwan ee ku dhaqo si dhex-dhexaad ah oo waafaqsan Sharciyada u degsan Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye Maxamuud Salaan waxa uu Su’aal geliyey Xeer-hoosaadka Xisbigoodu yahay mid si siman loogu haggo guud ahaan Masuuliyiinta iyo xubnihiisa kala duwan iyo qabto xubno gaar ah.

Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer waxa uu sidaa ku sheegay, qoraalkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Waxaan ugu horeyn halkan ka salaamayaa dhamaan ummada reer Somaliland gudo iyo dibedba, gaar ahaan xubnihii Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa, intaa ka dib, 23 bilood iyo toddoba Maalmood ayaa ka soo wareegtay muddadii uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu tallada dalka hayeen. haddaba waxaa dhacday in Xubno badan oo xisbiga ka tirsan iyo qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga ay hore u dhaliileen Xukuumada ku abtirsata KULMIYE, waxaa ka mid ahaa ragii dhaliishaas u soo jeediyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa Gudoomiye-ku-xigeenkii labaad ee xisbiga kulmiye, waxaana marag-madoon ah in Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigu ku qabsaday 14/4/2012, Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, in la yidhi ‘ha la anshax-mariyo Shirka dhexdiisa, isla markaana xilkiisii iyo xubinimadiisiiba laga qaaday, halkaa soo weliba dhaawac ka soo gaadhay.

Haddaba, waxay is-weydinayaan ummada reer Somaliland, gaar ahaan xubnaha taageerayaashoodu anshax-marinta xisbigu ma cid gaar ah ayuu qabtaa mise waa loo siman yahay xisbiga dhexdiisa? waxaan leeyahay, isla markaana u sheegayaa hogaanka xisbiga KULMIYE, miyaanay ogeyn ama daawanayn eedeyntii iyo dhaliishii xildhibaanadii ka soo baxay Xisbiga KULMIYE ee kala ahaa Siciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Jaamac Rayte, oo labaduba ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo dhowr jeer oo doraad ugu danbaysay uga jeediyeen warbaahinta dalka xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana aanu qodobka dastuurka KULMIYE ee 56aad qabanayn?, ma maalintii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir keliya ayuu shaqeynayey qodobkaasi, mise maalmo badan ayuu shaqeyn doonaa?.

Waxaan leeyahay ha shaqeeyo qodobkaasi, oo ha lagu qaado qof kasta siduu horeba ugu shaqeeyey.”



Yool




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: