03 June, 2012

Oadayaal ka Digay Cawaaqib Xumo ka soo fool leh Dhul ay isku Haystaan Mawaadin reer Hargeysa ah iyo Shirkadda Telesom oo madaxweynaha fariin u diray

Oadayaal ka Digay Cawaaqib Xumo ka soo fool leh Dhul ay isku Haystaan Mawaadin reer Hargeysa ah iyo Shirkadda Telesom oo madaxweynaha fariin u diray
Xadhigan ay ka cabanayaan Mulkilaha Hudheelka iyo Beerta Dalxiis (ex Bille) oo loo qoondeeyay meel dhawr Talaabo u jirta Gaydhka beerta


Hargeysa(GNS)-Mulkilaha Beerta Bille oo dhinaca Koonfur kaga qabsan Biriijka weyn ee Magaalada Hargeysa iyo qaar ka mida Eheladiisa oo shir-jaraa’id ku qabtay Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa ayaa cabasho ka muujiyay qorshe ay sheegeen in Maayirka Hargeysa iyo Shirkada Telesom kabayl nooca Khadka Isgaadhsiinta Xamaara ah ay ku dhex marinayaan Beerta Bille cidhifka koonfureed kaga began Biriijka weyn ee Hargeysa, taasoo ay ku tilmaameen talaabo Dhulkooda lagaga qaadayo oo ay isu garabsanayaan Maayir Jiciir iyo Shirkada telelsom. 

Xadhigan ay ka cabanayaan Mulkilaha Hudheelka iyo Beerta Dalxiis (ex Bille) oo loo qoondeeyay meel dhawr Talaabo u jirta Gaydhka beerta ayaa jiidhaya Ceelal biyood halkaasi uga samaysan beerta iyo Hudheelka oo mudo dheer shaqaynayay sida ka muuqata , hase ahaatee Mulkilaha iyo Eheladiisu waxay ku doodayaan in si sharci daro ah lagaga qaadayo Dhulkooda, isla markaana ujeedadu aanay ahayn Xadhigan oo kaliye balse damac kale oo ka fogi ku jirto meesha. 
“waxaanu Xukuumadda Somaliland iyo umaddaba u sheegaynaa dulmi iyo Cadaalad daro aanu kaga cabanayno Shirkada Telesom oo adeegsanaysa Dhaqaaleheeda ay haysato oo ah ka ugu badan maanta wadanka iyo Maayirka dawlada hoose oo doonaya inay qayb ka mida Beertan aanu fadhino oo anigu aan ahay Dhaxalkii afaraad ee dhaxla ilaa markii aanu samaysanay naga qaadaan”sidaasi waxa yidhi Milkilaha Beerta Dalxiis Cabdi Xakiin Xaaji Xuseen. 
Waxaanu intaasi raaciyay “ninka Maayirka ah ayaa ninka haysta Shirkada Telesom ku yidhi qayb ka mida beertayadan oo sharcigeedii kaa yahay mulkilaydeedii taa tahay oo aanu degenayn ilaa 1911-kii ayaan dhul idinka siinaya oo Kaybal aan idiin marinayaa, isagoo uga jeeda Dumli iyo xaq-daro inuu nagu sameeyo, isagoon noo yeedhin waxna naga waydiin ayuu markaa dhulkaasi siiyay, ka dibna Maxkamada ayaanu u dacwad tagnay, maxkamadii markii aanu ka dacwoonayna nimankaasi waxay noogu hanjabeen meel kasta annaga ayaa idinkaga adag oo aduun haysana maanta , Maxkamada iyo meel kasta oo aad tagtaan anaga ayaa xukuna , Maxkamadiina waxay ka soo saartay xukunka Qarqoosh ah oo cadaalada ka fog, dulmina aanu u aragno, ka dib Ambiil ayaanu ka qaadanay xukunkii , wasaarada hawlaha guud oo markii hore ku tidhi nimankani dhuilkooda iyagaa leh markii Mayirku cag ka dhigi waayay ayay raaceen”. 
Cabdi xakiin waxa uu ku dooday “ annagu cadaalada iyo Garsoorka waanu aaminsanahay oo waanu eegaynaa, laakiin halkaa waxa ka soo socda iyo cadaalada xumada halkaa ka soo socotaa waxay keenaysaa cawaaqib xumo aan dalka iyo dadka midna u fiicnayna annagana waxay nagu kelifaysaa waxaanan awoodayn. Sidaa awgeed madaxweynaha iyo wasaarada arrimaha gudaha waxaanu u sheegaynaa ninka maayirka ah ee naga qaadaya beertaa aanu boqolka sanadood lahayn inay la socdaan, annaguna wixii nalugu khasbo waxba la hadhi mayno kolna taagtayo kolna tamartayo waanu iska difaacaynaa”. 
Baaxada Beerta ayuu sidoo kale sheegay “ Beertani waa 2.5 hickter magaalada oo dhamina way ka dambeysay oo Biriijkan wuu noogu yimi meesha”ayuu yidhi. 
Geesta kale Oday Ibraahim Cige Saalax oo ka mida ehelada ninkaasi Mulkilaha ah ayaa ku baaqay in hay’adaha amnigu soo faro geliyaan Adyada ay ka tirsanayaan Maayirka Caasimada Hargeysa iyo Shirkada Telesom “annagu waxaan na qaban qaadan mayno cid ku gefi mayno, markaa waxaanu ka codsanaynaa hay’adaha sharciga iyo nabad gelyada inay wax ka qabtaan arintan oo aan sidaa lagu eegin”ayuu yidhi. 
Oday Cumar Maxamed Ileeye iyo Oday Maxamed Cabdi Diiriye oo iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa si adag uga hadlay arintaasi, waxaanay isugu markhaati fureen in Dhulkaasi Xadhiga la marinayaa ka mid yahay Beerta iyo Hudheelka, taasina ay xad gudub ku tahay Mulkilaha iyo cida ku shaqaysanaysaba. 

GNS 
Hargeysa
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: