Masuuliyiin Tirsanaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Helay Inay Musuqmaasuqeen Raashin Mucaawino Ah, Laguna Xukumay Xabsiyo Kala Duwan
Hargeysa, June 4, 2012 (Haatuf) - Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa shalay fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo ay yeelatay xukuno kala duwan ku riday Masuuliyiin ka tirsanaa xukuumada Madaxweye Siilaanyo iyo xubno kalo kale oo u badnaa ganacsato kadib markii lagu helay inay musuqmaasuqeen raashin Mucaawino ah oo loogu talo galay danyarta Somaliland.
Maxkamada Gobolka Hargeysa waxay Badhasaabkii gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) iyo Agaasimihii Guud ee dib u dejinta Axmed Cilmi Barre waxay Maxkamadu ku xukuntay midkiiba saddex sanadood oo xadhig ah ka dib markii sida ay Maxkamadu xukunka ku sheegtay ay tilmaantay inay fududeeyeen raashinkii mucaawimada ahaa ee la musuqmaasuqay.
Sidoo kale la taliyihii Madaxweyne Ku xigeenka Siciid Cismaan Jaamac ayaa isagana lagu xukumay 1-sano iyo saddex milyan oo shilling oo ganaax lacageed ah, waxaanay Maxkamadu ku heshay xil gudasho la’aan.
Dhinaca kale Maxkamadu waxay xadhig dhan 4 illaa todoba sanadood ay ku xukuntay Axmed Maxamud Geelle (Timcade) Gudoomiyihii NGO-ga SIWO, Ibraahin Cumar Maxamuud oo Maqane ah xubina ka ah NGO-gaas. Xuseen Axmed Xayd Sakaaro oo Maqane ah, Cabdi Shakuur Cabdi Nuur Ganacsade degan Hargaysa, Faadumo Cali Guuleed oo Maqane ah iyo Dayr Aw Faarax Maxamuud oo Maqane ah
Waxay Maxkamadu ay xoriyadoodii u soo celisay laba nin oo ka mid ahaa eedeysanayaashii kiiskan.
Qareenka difaacayay saddexdan masuul Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hadlay xukunka Maxkamada ayaa tilmaamay inaanay ku qanacsanayn Xukunka Maxkmadu ku riday, isla markaana ay ka qaadan doonaan Racfaan.
Masuuliyiintani Maxkamada gobolka Hargeysa xukunka ku riday, ayaa noqonaya raxantii ugu horaysay ee masuuliyiin ka tirsanaa dawlada Axmed Siilaanyo ee lagu helo musuqmaasuq, xilalkii ay hayeena ku waayay eedahaasi soo waajahay.
No comments:
Post a Comment