03 June, 2012

Masuuliintii Musuq maasuqa Raashinkii la Leexsaday u xidhnaa oo lagu riday Xukumo

Masuuliintii  Musuq maasuqa Raashinkii la Leexsaday u xidhnaa oo lagu riday Xukumo

Qareenada u doodaya masuuliyiintan la xukumay ayaa ka biyo diidsan Xukunka

Hargeysa(Waaheen) Maxkamdda Gobolka Hargeysa ayaa saaka xukuno u dhaxeeya sadxe sano iyo toddoba sano ku kala riday masuuliyiintii ay ka mid ahaayeen Xamarji, Agaasimihii guud ee dibu-dajinta iyo Lataliyihii Madaxweyne ku-xigeenka. 

Maxkamaddu waxay Xamarji ku xukuntya sadex sano oo xadhiga ah, Agaasimihii dibudajinta Axmed Cilmi barena Sadex sano, Lataliyihii Madaxweyne ku-xigeenkana Hal Sano oo xadhig ah iyo Hal Milyan oo Ganaax ah, Ganacsade Cabdi Shakuur Cabdi Nuur-na Afar sano oo xadhig ah, halka Guddoomiyaha Ururkii Raashinka ka masuulka ahaana lagaga xukumay Sideed sano.
Qareenada u doodaya masuuliyiintan la xukumay ayaa ka biyo diidsan Xukunka waxaanay goor dhaw shir jaraa’id ku qabayaan hotelka Xaraf



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: