Darawalka Gaadhiga waday ayaa ...........
Aw-barkhadle(GNS)-Dooxa Biyo Mareenka ah ee deegaanka Aw-barkhad leh oo dhinaca Bari Kaga beegan Magaalada Hargeysa ayaa galabta qaatay saddex qof oo laba ka mid ahi dumar yihiinm, ka kale Nin yahay, kuwaasoo Gaadhi ay la socdeen galay Dooxa oo Biyo Marayeen.
Gaadhigan oo noociisu ahaa Dhayne, kuna sii jeeday Degmada Dacar-budhuq ayaa la bad-baadiyay isaga iyo Rakaabkii kale ee saarnaa, kuwaasoo iyaguna Biyuhu la tagi gaadheen, hase ahaatee lagu badbaadiyay Gurmad culus oo ay dadka deegaankaasi u galeen samato bixintooda.
Dad Goob-joogayaal ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in saddexdaa qof la la’yahay Geei iyo nolol meel ay ku dambeeyeen, isla markaana darawalkii Gaadhiga waday isaguna baxsaday markii Shilku dhacay, kaasoo la sheegay inuu cararay markii la badbaadiyay Gaadhigiisa iyo qayb ka mida dadkii Rakaabka ahaa ee la socday.
Saddexda Qof ee Dooxu qaaday ayaa wali la baadi goobayaa nolol iyo Geeri waxay ku sugan yihiin, laakiinse dadka deegaanka ee Gurmadka ka qayb qaadanayaa waxa sheegayaan inay dhinteen, iyadoo geesta kalena Rakaabkii kale ee la badbaadiyay la geeyay Cisbitaalka Dacar Budhuq.
Darawalka Gaadhiga waday ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Casaanyo.
Masiibooyinka Dooxyada biyo mareenka ah ka dhasha ayaa mar wal oo Xilli roobaad ah yimaada ,waxaanay sahaydaan Dad iyo Duunyo badan, mana jiro ilaa hada sida muuqata qorshe wax lagaga qabanayo oo xigmadaysan, kaasoo markay ugu yaraato ay ahayd in loo sameeyo Calaamado lagu garto Xajmiga Biyaha Dooxyada waaweyn qul-qula xiliga roobka oo faa’ido laga raadiyo daaye waxyeelo kaga taga sanad kasta bulshada.
Sanadkii hore atat ayay ahayd markii 12 qof oo sidan oo kale Haween u badani ku nafwaayeen Dooxa weyn ee Degmada Agabar, taasoo ahayd masiibadii ugu xumayd ee ka dhalata Raxmaadka Eebbe ee roobka.
No comments:
Post a Comment