Madaxweyne Siilaanyo Oo Baarlamaanka Ka Dalbaday In Wax Ka Badal Iyo Kaabis Lagu Sameeyo Xeerka Doorashooyinka Iyo Komishanka Oo Afka Ka Xidhay Maalinta Ay Dhacayso Doorashadu
Hargeysa, June 18, 2012 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu Sabtidii Doraad shirgudoonka golaha wakiilada usoo gudbiyay qoraal uu kaga codsanayo in wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka dorashooyinka golayaasha deegaanada iyo Madaxtooyada xeer Lr 20/2000.
Ilaa hadda xukuumada iyo golaha wakiiladu faahfaahin kamay bixinin qodobada wax ka badalka iyo kaabista lagu samaynayo ee Madaxweynuhu soo dalbaday kuwa ay yihiin, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Haatuf u xaqiijiyay in qodobada wax ka badalka lagu samaynayo ee Madaxweynuhu soo jeediyay ay ka mid yihiin, in xeer Lr 20/2000 haweenka isku soo sharaxay doorashooyinka golayaasha deegaanada dalka Kuraasi ay ku tartamaan looga qoondeeyo, halka ay sidoo kalena ilo wareedyadu tibaaxeen in Komishanka doorashooyinka qaranku ay dhinacoodana Madaxweynaha kaga dalbadeen qoraal ay usoo gudbiyeen todobaadkii hore in wax ka badal iyo kaabis loogu sameeyo qodobo la xidhiidha diiwaangalintii la laalay iyo astaamaha ay yeelanayaan musharixiinta u tartamaysa golayaasha deegaanka, oo la sheegay inay komishanku ka cawdeen musharixiinta iyo axsaabta ku tartamaysa doorashooyinka oo farabadan, taas darteedna ay adag tahay in calaamado gaar ah loo kala sameeyo musharixiintaasi.
Waxaana la sheegay in Komishanka doorashooyinku ay ka dalbadeen Madaxweynaha in qodobada xeerkaasi ee caqabada ku noqon kara habka doorashada wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo, iyadoo tibaaxuhuna intaasi ku darayaan in komishanku ay xukuumada ka dalbadeen kharashkii lagu qaban lahaa doorashada inay sanduuqooda ku soo shubto.
Dhinaca kale Komishanka doorashooyinka ayaan ilaa hada cadaynin bisha iyo maalinta ay qabsoomayaan doorashooyinka golayaasha deegaanadu, oo iyagu muddo afar jeer muddo dhaafatay xilligii ay u qabteen inay dalka ka dhacaan.
Ilaa hadana waxa la garan la’yahay asbaabta ay Komishanka doorashooyinku si cad ugu sheegi la’yihiin wakhtiga rasmiga ah ee doorashooyinku dalka ka qabsoomayaan.
No comments:
Post a Comment