The Office of
Somaliland Presidential Advisor on:
Economy, Commerce, and Investments.
Mr. Ahmed Hassan Arwo
002522 409 64 21
HANBALYO IYO BOGAADIN KA TIMID
LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA, MUDANE AXMED
XASAN CARWO
XUSKII 52NAAD EE 26KA JUUN, MAALINTA
XORRIYADDA SOOMALILAND
Waa 26kii Juun, waa ayaantii qarannnimada
Soomaliland, waa hooyadii taariikhda, waa hooyadii halganka SNM. Waa dharaartii
aynu noqonay qaran jira, madax banaan oo dunida laga aqoonsaday. Maalin farxad
iyo reynreyn, maalin guul iyo damaashaad, maalin himmilo wacan iyo mustaqbal
nuuraaya. Waa maalin siyaasiintii xiligaasi ku hamiyeen mideynta shanta
Soomali. Dal weyn iyo dad badan oo isu hiloobay.
Waxa hammigaas dhooqeeyey ciddii dhinaca koonfur talada u qabatay ee ilowday israacu inuu ahaa dhabada loo maraayo mideynta shanta Soomaliyeed. Waxay ka dhigteen inay xukunka ku qadhaabtaan kana dhigaan dukaan ay leeyihiin iyo hanti u gaar ah. Isla 1961 kiiba reer Soomaliland wey ka biyo diideen sida wax u socdaan. Waxa fashilmay inqilaab lagu soo celinaayey gooni-isu-taaga Soomaliland. Waxa iyana cod weyn lagu diiday dastuurkii loo codeeyey 1961 dhinaca Soomaliland. Waxa cadaalad daradii iyo maamul xumadii keentay ina ay baabaday himiladii seddexda maqan lagu doonaayey. Waxay seddexdu arkeen maamulka labadii israacay sida loo xumeeyey, waxayna noqdeen qaar ka fogaada, kana jeesta baaqii beenta ahaa ee Xamar ka soo birqamaayey.
Waxa xigtay tu ka
daran oo askarti xukunkii la wareegtay deedna xumaniba xumaan sii dhasho. Waxa
bilaabmay diidmadii cadaalad darada, oo noqotay xasuuq, dil, dhac, burburin,
duqayn magaalo cir iyo dhulba iyo qixii magaalooyinka looga yaacay ayda iyo
bisaaska. Waxa xoogaystay halkankii hubaysanaa ee SNM guushuna waxay ku biyo
shubatay 18 May 1991 iyo la soo noqooshadii xorriyadda iyo madaxbanaanida.
Intaas oo dhammi waxay
ka dhasheen oo hooyo u aha 26ka Juun 1960 ee aynu hogaanka dalkeena gacanta ku
qabanay, kana saarnay gumeysigii Ingiriiska ee qarni ku dhowaadka dalkeena
haystay wax qabadna ka madhnaa. Waa maalin xusuus wacan, waa maalin qaranku
midnimo ku ciido, waa maalintii Soomaaliland noqotay dal xor ah oo adduun
weynaha ka m id ah, helayna aqoonsi caalami ah.
Waxaan halkan hanbalyo
iyo bogaadin u dirayaa bulshaweynta Soomaliland, qurbajoog iyo dal-joogba,
xukuumadda baar ilaa sal, Golayaasha Sharcidejinta, Ciidamada, Shaqaalaha,
Ganacsatada, muruqmaalka, xoola dhaqatada iyo beeraleyda, Soomaliland oo dhan
rag iyo dumar, wiil iyo waayeel, waxaanan leeyahay xusa 26ka Juun oo qadariya
maalinta xorriyadda. Ku waara nabad, naruuro, bashbash iyo barwaaqo.
Guul iyo horumar.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha
Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Temp. Contact: Riyadh, Saudi Arabia ( 054 054 2267)


No comments:
Post a Comment