19 June, 2012

Halkaan ka Daawo Dhacdo Xanuun Badan oo Naxdin leh

Halkaan ka Daawo Dhacdo Xanuun Badan oo Naxdin leh
Haweeney lagu Qasbay inay iska soo rido ama laga soo xaaqo Uur 7 bilood ah oo ay la heyd iyo haweeneydaas oo bixin Wayday lacag ganaax ahayd.

Dhacdo xanuun badan oo naxdin iyo argagaxna leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday koonfurta gobolka Shaanxi ee dalka Shiinaha ka dib markii haweeney lagu qasbay inay iska soo rido ama laga soo xaaqo uur 7 bilood ah oo ay la heyd maadaama ay haweeneydaas bixin karin lacag ganaax ah oo ay ku muteysatey ka dib markii ay jabisay sharciga ah in qoyskiiba uu yeesho hal Ilmo ama cunug maadaama ay haweenyedaasina horey u la hayd gabadh yar oo 5 sano jir ah. 

Haweeneydaan lagu qasbay inay ilmaheeda laga soo rido oo lagu magacaabo Feng Jianmei oo 27 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay si lama filaan ah ama ayna ugu tala galin ay u qaaday uurka iyadoo hore u heysatey gabadh yar oo 5 sano jir ah, laakiin maadaama uu dalkaas shiinuhu leeyahay sharci dhigaayo in aanu qoyskiiba yeelan karin wax ka badan hal cunug ayaa waxay keentay in haweeneydaas markii uu soo shaac baxay uurkeeda oo markaas ahaa 7 bilood in lagu ganaaxo lacag gaareyso ilaa iyo 5.000 oo euro, laakiin haweeneydaas oo aan awoodin bixinta lacagtaas ayaa ka dib waxaa loo sheegay in laga soo ridaayo Ilmahaa maadaama ay jabisay sharciga iyadoona markaas ka dib si qasab ah haweeneydaa la geeyey dhaktarka ka dibna halkaas lagu siiyey daawooyin taas oo keentay 36 saacadood ka dib inuu ka soo dhaco ilmihii oo meyd ah islamarkaana ahaa ilmo korey oo weyn, arintaan oo aduunka oo dhan ka yaabisay sharcigaas qalafsan ee dalkaas Shiinaha ayaa waxay arintaan soo shaac baxday ka dib markii ninka qabay haweeneyda oo lagu magacaabo Deng Jiyuan uu barta internetka soo dhigay sawiradii dhacdadii foosha xumeyd ee qabsatey xaaskiisa. 

Arintaas ayay ka soo baxeen qeylo dhaano kala duwan oo ka kala yimid dunida guud keeda,ka dibna waxay arintaas keentay inay dowlada dalka Shiinuhu ay si deg deg ah shaqada uga erido ilaa iyo 4 sarkaal oo uu ku jira madaxii waaxda qorsheynta caruurta qoyska ee gobolkaas kuwaas oo ku lug lahaa dhibaatada loo geystey haweeneydaas, Sidoo kale ayaa dowladu waxay raali galin siisay qoskii loo geystey falkaas naxariis darada ahaa, qaar ka mid ah dadka reer shiinaha ayaa waxay ku tilmaameen in waxa qabsaday haweeneydaas ay la mid tahay iyadoo la diley ilmaheeda oo nool, Sidoo kale waxa uu sheegay ninka qabay haweeneydaas inkasata oo uu muuqeedu wanaagsan yahay inay hadana xaaskiisa ay maskixiyan soo gaadheen dhib weyn islamarkaana ilaa iyo intii ilmahaas laga soo riday ayna cidna la hadlin. 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: