Ergadii qabanqaabada shirka beelweynta Habaryoonis oo wasiir DUUR jeelka Hargeysa ku guray
Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Caraale DUUR ayaa amar ku bixiyey qabashada iyo xadhiga Guddi ka soo jeeda beelaha Habaryoonis bari oo dhawaan soo gaadhey Hargeysa halkaas oo ay kula kulmo kula yeesheen qaar ka mid aqoonyahanka,duqeyda,salaadiinta,madax dhaqameedka ,waxgaradka beesha iyo wasiirada iyo siyaasiyiinta xukumada siilaanyo kaga jira beelaha Habaryoonis.
Guddidan oo saaka hiirtii hore ka ruqaansatey magaalada Hargeysa iyagoo ku sii jeeda Burco iyo Ceerigaabo ayaa ciidan xoogan oo lagu daadiyey bariga magaalada hargeysa ilaa tuulada Aw-barkhadle oo isagu jira sirdoonka qaranka,ciidamada RRU-da iyo qaar ka mid ah saraakiisha iyo shaqaalaha madaxtooyada oo uu dusha ka hagaayey wasiirka arimaha gudaha DUUR ka soo qabteen akana soo raafeen gudidii iyo gaadiidkoodiiba kantaroolka tuulada HALEEYA bariga Hargeysa una soo dhaadhiciyeen jeelka Hargeysa.gaadiidkii ay wateen gudidu oo ahaa laba baabuur LAND-CRUISER iyo SURF ayaa ciidamdu meel alaale iyo meeley geeyeen ilaa hadda cidi ogeyn balse la wareegeen.
Mid ka mid ah Gudiga beelaha Habaryoonis bari ee ciidamadu qabteen iyagoo u sii jeeda Ceerigaabo ayaa markii gacanta lagu dhigay intaan telefoonada lagala wareegin ama laga qaadin ee muranku socday telefoonkiisa gacanta nagula soo xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyey in la hayo,noona carabaabey cida amarka qabashadooda lahayd,wuxuu kaloo noo xaqiijiyey goobta lagu qabtay oo ah tuulada HALEEYA sidoo kale ayuu ninkaasi na maqashiiyey codka sarkaalka ciidamada watey oo ku dirqiyaaya gudida in wasiir DUUR doonaayo oo marka hore la geynaayo guriga wasiir duur balse waxay taasi meesha ka baxday markii iyaga iyo gaadiidkoodiiba xabsiga loo taxaabay!.
Gudidan xabsiga loo taxaabay saaka oo dhawaan timi magaalada Hargeysa ayaa la kulantay aqoonyahanka,duqeyda ,salaadiinta iyo culimaa'udiinka reer Hargeysa ee ka soo jeeda beelweynta Habaryoonis soona bandhigay ajeendaha shirkooda oo ku tarjumaysa danaha guud ee beelweynta Habaryoonis basle siyaasiyiinta iyo wasiirada beesha Habaryoonis kaga jira xukumada Siilaanyo oo aan kalsooni buuran ku lahayn beesha dhexdeeda ayaa cabsi iyo dareen sas leh ka qaadey shirkaas siiba wasiirka arimaha gudaha DUUR oo mar uu la kulamay gudigan u soo qadimay inuu manuucay shir beeleedka, islamarkaana aanu u dulqaadan doonin inay qaawiyaan oo isagoo wasiirka arimaha gudaha shir beeleed qabtaan.
Dhinaca kale wasiir DUUR oo horbooda kudlad wasiiro iyo siyaasiyiin isagu jira oo ka soo jeeda beesha Habaryoonis oo beryahanba shakaak iyo cuqdad ka qaadey hadal haynta shirka beelweynta Habaryoonis ee Ceerigaabo lagu qabandoono dabayaaqada bisha Juune ayaa xuraamayey kulamada gudidani ku lahaayeen Hargeysa,iyagoo hadba cid ku dhex darsanaayey.DUUR iyo saaxiibadii waxay nidar ku galeen inay xabsiga u taxaabi doonaan gudiga haddaaney shirka baajin oo dalabkooda iyo ka wasiir Xirsi tixgelin.
Xubnaha Gudiga qabanqaabada ee beelaha Habaryoonis bari ee wasiir DUUR saaka xabsiga u taxaabay waxaa ka mid ah :-
1- Naasir Cali Jaamac Colaad ---Gudoomiyaha Beelaha Habaryoonis bari
2- Maxamed Dirir------------------Afhayeenka beelaha Habaryoonis bari
3- Xasan Jikaale
4- Cabdi Goonyacde
5- Yassin Cali
iyo lix xunood oo kale.

No comments:
Post a Comment