22 June, 2012

“Cabdi Haybe Waxaan Leeyahay Wasiir Baad Ahayde Mujaahidka Dhawrka Sanadood Hortaada Yaalay Maxaad U Tartay, MCH-kii Gumar-na Magacaaga Ayaad Ku Qortay”


“Cabdi Haybe Waxaan Leeyahay Wasiir Baad Ahayde Mujaahidka Dhawrka Sanadood Hortaada Yaalay Maxaad U Tartay, MCH-kii Gumar-na Magacaaga Ayaad Ku Qortay”
Xildhibaan Nacnac

Hargeysa June 21, 2012 (Haatuf) - Xoghayaha guddiga joogtada golaha wakiilada Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Hargeysa ayaa sheegay in labaatankooda xildhibaan ee laga soo doortay gobolka Maroodi-Jeex ay ku fashilmeen in Xeerka Caasimada oo muddo dheer golaha horyaalay ay meel mariyaan, isagoo haweenka isku soo taagay musharaxnimada doorashooyinka golayaasha deegaanadana ku baaqay in kuraasi kooto ah looga cayimo.
Md Nacnac waxa uu intaa ku daray in habka loo soo dooranayo golayaasha deegaanada dalka ay tahay mid toos ah oo One man One Vote ah.
Xildhibaan Nacnac oo shalay Haatuf xogwaran khaas ah siiyay, ayaa sidoo kale wasiirkii hore ee Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed ku eedeeyay inuu MCH-kii tuulada Gumar ee gobolka Hawd magaciisa ku qoray, sheegayna inaanu waligii ka qaybqaadanin hawlaha horumarineed ee laga wado deegaanada Baligubadle iyo caawimada dadka jilicsan.
Md Axmed Maxamed Diiriye oo ugu horayn ka hadlaya eedaha Xildhibaanadooda laga soo doortay Hargeysa looga jeedinayo qabyada xeerka caasimada, ayaa waxa uu yidhi “Run ahaantii waanu ku fashilanahay xeerkaa caasimada xaq baana naloogu leeyahay in nalagu dhaliilo labaatankayaga xildhibaan ee laga soo doortay Hargeysa, maxaad u soo saari waydeen xeerka caasimada xaq baa naloogu leeyahay”.
Xildhibaan Nacnac oo ka hadlaya eedo wqasiirkii hore ee caafimaadka Cabdi Haybe uga jeediyay qaadhaan loo ururinayay dhismaha waddada isku xidha Baligubadle iyo caasimada oo uu sheegay inuu tuurta ku sito dhaqaalihii lagu dhisi lahaa, waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Cabdi Haybe iyo qayrkii waligood meel samafal ah hal dollar kumay darsan, waxaana ka markhaati ah Mujaahidka Carab la yidhaahdo ee ilamadeerka ay yihiin ee naafada ah ee dhawrka sanadood horteeda yaala, waaniga laba makhsin u samayeeyaye maxaad u qabatay, ina Haybow waddada Baligubadle iska daayo maxaad u tartay Mujaahidka naafada ah, wasiir baad ahayde maxaad u qabatay Baligubadle, Mch-kii Gumar ayaad magacaaga ku qortay”.
Xildhibaan Nacnac oo ka hadlaya sida uu u arko in haweenka ka qaybgalaya doorashada golayaasha deegaanka kuraasi kooto ah oo ay ku tartamaan xeer lr 20 looga qoondeeyo waxa uu yidhi “In Haweenka reer Somaliland kuraasi kooto ah la siiyo oo waliba lambar wanaagsan la siiyo wqaan ayidsanahay, oo waliba lixda gobol maayaradooda laga dhigo haween ayaa qabaa, laguna tusaale qaato marwo Khadra xaaji Gaydh horumarkii ay gaadhsiisay degmada Gabiley”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: