Xukuumadda Somaliland oo laba wefti oo Reer Jabuuti ah oo wasiiro iyo saraakiil kale isugu jira dalk
Xukuumadda Somaliland oo laba wefti oo Reer Jabuuti ah oo wasiiro iyo saraakiil kale isugu jira dalkeeda u diiday inay soo galaan
Saylac(Waaheen)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur ayaa manta ka celiyay Xuduudka Lawyacado laba wefti oo Reer Jabuuti ah oo ay kala wateen Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kalluumaysiga Maxamed Somali iyo Maareeyaha Dekedda Jabuuti Sacad Cumar Geelle.
Celinta labadan wefti ee Reer Jabuuti ilaa hada lama garanayo hase yeeshee sida ay Waaheen ugu soo waramayaan Wariyayal ku sugan Jabuuti iyo Saylac ayaa u xaqiijiyay in labadaas wefti oo kala duwanaa isla manta lagu celiyay Amar Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur uga yimi badhasaabka Gobolka Salal Muuse Bucul iyo Taliyaha Booliiska gobolka Maxamed Cabdi Axmed, kuwaasoo sida ay wariyayaashu sheegeen wasiir Duur faray inay celiyaan isagoo sabab uga dhigay inaanau imaanshahooda waxba kala socon.
Sida ay wariyayaashu Waaheen u sheegeen Amarka Wasiir Duur marka hore waxa uu ku koobnaa weftiga Maareeyaha Dekedda Jabuuti Sacad Cumar Geelle hase yeeshee markii lagu fuliyay amarkaasi ee uu Taliyaha Booliisku Celiyay ayaa waxa Lawyacado markale soo istaagay Wasiirka Tamarta dalka Jabuuti kaasoo aan ogayn weftiga hore ee la celiyay, waxay sheegeen Wariyayaashu in uu Taliayaha Booliisku damcay inuu soo daayo hase yeeshee Badhasaabka Gobolka Salal ayaa isna ku gacansaydhay oo diiday in wasiirku soo galo gudaha Somaliland.
Labada Amar ee ay kala bixiyeen taliayaha iyo Badhasaabka Gobolka Salal ayaa khilaaf weyn ka dhex dhaliyay Maamulka Gobolka, taasoo keentay in Qaab qabiil ay siku ficishadaan labada Masuul ee gobolkaasi ugu sareeya, kuwaasoo qabiil ahaan ka soo kala jeeda labada wefti, tusaale ahaan Badhasaabka Gobolka Salal waxa ay isku beel yihiin weftiga marka hore la celiyay ee uu hogaaminayay Maareeyaha Dekedda Jabuuti Sacad Cumar Geelle, halka Taliyaha Booliiskana ay isku reer Yihiin Wasiirka Tamarta ee marka danbe la celiyay.
Labada Wefti ee Reer Jabuuti ee aya Xukuumadda Somaliland manta Celisay ayaa u socday Mashaariic Horumarineed oo ay ka kala fulinayeen deegaamadda Sayalc iyo Toqashi oo ay kala degaan Beelaha ay ka soo kala jeedaan labada Wefti ee Reer Jabuuti.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayay noo suurtogeli weyday kadib markii mobilkiisa oo dansan aan garaacnay. sidoo kale Badhasabka Gobolka Salal oo aanu khadka Telefoonka ku helnay ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo labadan dhacdo.
Waaheen

No comments:
Post a Comment